Cunista Badan Ee Hilibka Adhigu Waxa Ay U Daran Tahay Caafimaadka Hab-Dhiska Dheefshiidka

0
547

Picture11Qaahira (Geeska)- Hilibka adhigu waxa uu hodan ku yahay dufan, gaar ahaan noocyada dufanka ee afka cilmiga lagu yidhaahdo Saturated Fatty Acid, sidaa awgeed in xaddi badan oo hilib ah la cunaa waxa ay keeni kartaa khataro badan oo dhinaca caafimaadka ah iyo weliba in uu dhaawac soo gaadho hab-sami u shaqaynta hab-dhiska dheefshiidka. Si gaar ah hilibka Idaha waxaa ku badan xaddi dufanka Kalastoorlka dhiigga la socda, waana sababta uu hilibka iduhu dhibta u gaadhsiiyo caafimaadka wadnaha, si ka badan hilibka xoolaha kale.

Cilmibaadhis lagu sameeyey hilibka adhiga oo natiijadeeda uu faafiyey Talefishanka Al-Carabiya, wargeyska Geeska Afrikina afsoomaali u rogay ayaa lagu sheegay in wasladda hilibka adhiga ah ama qiyaas ahaan inta le’eg 200 Giraam ay k jiraan qiyaas ah 600 oo Kalooris ah (Calories) iyo 40 Giraam oo dufan ah.

Dhakhaatiirta ku xeeldheer nafaqada iyo cuntadu waxa ay sheegeen in hilibka adhiga oo uu qofku aad u cunaa uu keeno buurni iyo in dufan badani jidhka gudihiisa ku ururo, sidaa awgeed waxa ay ku taliyeen in qofku marka uu hilib cunayo ay fiican tahay in marka hore uu cuno bilaydh khudrad cagaaran ah, sababtuna waa ganka khudradda oo cilmi ahaan la xaqiijiyey in uu yareeyo awoodda jidhku ku nuugayo dufanka hilibka xoolaha ku jira.

Sidoo kale xeeldheerayaasha nafaqadu waxa ay ku taliyeen in qofku aanu maalmo is xiga si joogto ah u cunin hilibka, balse loo baahan yahay in labada maalmood ee uu hilib cunayo ay u dhexeeyaan maalmo uu cuno kalluun, digaag iyo khudrado.