Tartanka Talefannada Casriga Ah Oo Soo Kordhaya Iyo Talefan Dahab Ka Samaysan Oo Lagu Iibinayo $21 Keliya

0
631

Picture10Shirkadda Vertu ayaa jimcihii toddobaadkii hore daaha ka rogtay talefan casriya oo cusub oo ay ugu wanqashay magaca New Signature Touch, kaas oo ku shaqaynaya barnaamijka Android nuskhadihiisa 5.1, isla markaana leh muraayad ballaceedu yahay 5.2 Inch iyo kamarad ah 21 Mega Pixel oo leh iftiinka Falaashta iyo kamarad xagga hore ah oo iyaduna ah 2.1 Mega Pixel.

Shirkadda Vertu waa shirkad ay shirkadda caanka ah ee Nokia aas-aastay sannadkii 1998kii oo xarunteedu tahay dalka Ingiriiska, loo aas-aasayna ahayd in marka dambe sannadka 2012ka laga iibiyo shirkadaha EQT.

Talefankan hadda ay soo saartay shirkadda Vertu ayaa lagu sheegay in uu leeyahay adeegyo aad u tayo badan, oo ay ka mid yihiin sawirada, codka iyo tayada samayska talefanka laftiisa.

Waxa uu leeyahay xusuusta RAM oo awooddiisu dhantahay 4GB, awooddiisa kaydinta oo ah 64 GB iyo weliba isaga oo ogol in la geliyo kaadhka xusuusta ee MicroSD.

Waxa kale oo uu talefankan casriga ahi leeyahay farsamo u suurtogelinaysa in iyada oo aan xadhig la gelin la dabayn karo (Wireless Charging), iyo farsamada dabaynta degdegga ah oo sahlaysa in uu dhaqso dabka u qaato (Quick Charge), dhinaca internet kana waxa uu ku shaqaynayaa farsamada jiilka Afaraad ee 4G.

Shirkadda Vertu waxa ay talefankeedan cusub u samaysay adeeg suurtogelinaya in la dabagalo halka uu yaallo talefanka la waayo, kaas oo suurtogelinaya in qofku uu si sahal ah u ogaan karo halka uu yaallo talefanka uu waayey iyada oo uu caawinayo adeeg ay shirkaddu bixinayso.

Waxyaabaha tayada badan ee qolafta talefanka New Signature Touch ka samaysantahay waxaa ka mid ah maas iyo curiyaha Titanium, halka noocyo ka mid ahina uu ka samaysan yahay dahab.

Ugu dambayntii talefankan noocyadiisa ka samaysan Maaska iyo macdanta Titanium ayaa lagu iibinayaa 10 Doolar oo keliya, halka noociisa ka samaysan Dahabkana lagu iibinayo 21 doolar oo keliya.

Talefanka New Signature touch oo la filayo in uu dalab aad u sarreeya ka heli doono suuqyada iibka talefannada, tayadiisa sarraysa iyo qiimaha jaban awgeed ayaa hadda si horudhac ah looga dalban karaa xarumaha shirkadda Vertu ee dalka Ingiriiska waxa aanu qorshuhu yahay in 16ka Bishan aynu ku jirno ee Oktoobar lagu soo daayo guud ahaan suuqyada talefannada casriga ah ee dunida.