Kaftan: Guuguule Oo Gabay Jawaab U Ah Muuse Biixi Ka Soo Qaaday Maxamed Biixi

0
1112

Picture5Waanigii shalay idiin balan qaaday inaan u tagayo Maxamed Biixi Yoonis si aan isna uga soo bawsado jawaabta gabaygii Muuse Biixi Cabdi ee shalay, waxaanu Maxamed yidhi,

Inkastoon maqnaayoo

Aan jirayay meel dheer

Ilayn mooge ma ihiye

Oday madaxa baan ee

Maanigaan ku garanayn?

Milatari inaad tahay

In mujaahid aad tahay

Mid ku miiggan aad tahay

Xadhig maran inaad tahay

Murankana halyay ku ah

Ma naxaan inaad tahay

Kaartada maleegoo

Jidgooyada mar geli kara

Marna daasad meel dhiga

Marna doona madaxnimo

Musharraxii dadweynaha

Maanigaan ku garanayn

Adna Muuse Biixow

Is maqiiq inaad tahay.