NinKa Dagaalka Iyo Rabshaddu Ku Badan Yihiin, Waxa Uu Cuqdad Ka Qabaa, Fikirka Ay Dadku Ka Aaminsan Yihiin Ragannimadiisa Oo Uu Doonayaa In Uu U Muujiyo

0
796

Picture9Washington (Geeska)- Cilmibaadhis Maraykanka lagu sameeyey ayaa daahfurtay in ragga nafsi ahaan u aaminsan in ragannimadoodu ka yara hoosayso intii caadiga ahayd ama ugu yaraan ay dadku sidaa u arkaan ay dareemaan diiqad iyo cuqdad nafsi ah oo inta badan dabeecaddooda ka dhigta mid dagaalka iyo rabshadda door bidda.

Cilmibaadhistani waxa ay tilmaamtay in nin kastaa uu jecel yahay in uu lahaado tilmaamaha ay bulshadiisu u taqaanno ragannimada ama in uu buuxiyo shuruudaha oo uu gaadho hal-beegga ay dhaqan ahaan bulshada ku xeeran, rag iyo dumarba ku qiyaastaan ragannimadda, haddii uu arko in aanu heerkaas gaadhin ama loo aqoonsanna waxa uu kaga jawaabaa colaad iyo dagaal si uu u gaadho heerkaas ama loogu aqoonsado ragannimo.

Cilmibaadhayaasha daraasaddan sameeyey waxa ay sheegeen in ragga aan gaadhin heerkaas ragannimada ay dadka ku xeerani u yaqaannaan ay yihiin kuwa ugu badan ee gala dembiyada iyo xad-gudubyada bulshada dhexdeeda ka dhaca, marka la barbar dhigo kuwa dhiggooda ah ee iyaga ay bulshadu ragannimo ku tilmaamto.

Dennis Reeder oo ka tirsan Xarunta Maraykanka ee la dagaallanka cudurrada iyo ka hortaggooda oo ku taalla Atlanta isla markaana madax u ahaa cilmibaadhayaasha daraasaddan sameeyey ayaa sheegay in natiijadan macnaheedu aanu ahayn in dhammaan ragga dareema in ay ragannimadoodu ka hoosayso heerka ay dadkiisu ku qiimeeyaan ay gelayaan dembiyo. “Hab-dhaqanka rabshadda iyo colaaddu ku badan tahay waxa uu imanayaa marka uu ninku aamino in dadka kale ay u arkaan in uu ka ragannimo yaryahay nimanka dhiggiisa ah, taas ayaa ku ridaysa diiqad iyo sakati badan oo uu ka qaado mustaqbalkiisa, aakhirkana ku abuura colaad iyo dabeecad qallafsan oo rabshadda u darban” ayaa uu yidhi Reeder. Laakiin waxa uu hoosta ka xariiqay in ay sidoo kale jiraan sababo kale oo iyaguna ninka ama guud ahaanba dadka ku riixi kara dabeecadaha qallafsan ee colaadda iyo rabshadda jecel.

Cilmibaadhistan oo tijaabadeeda lagu sameeyey 600 oo nin oo da’doodu u dhaxayso 18 illaa 50 jir, ayaa Tristan Bridges oo ka mid ahaa cilmibaadhayaasha sameeyey waxa uu yidhi, “Haddii ragannimada qofku ay si uun khatar u gasho, inta badan jawaab celinta ka timaaddaa waxa ay noqotaa in uu ku kaco falal iyo hadallo ku-talax-tag ku jiro oo uu isagu is-leeyahay si kale oo aanay dadkani aqoon ayaa aad ugu caddaynaysaa in ragannimadaadu buuxdo” arrinta kale ee xiisaha leh ee cilmibaadhistan lagu ogaaday ayaa ah in inkasta oo dunida oo dhan laga sameeyey doodo, qoraallo iyo barnaamijyo lagu caddaynayo in ragga iyo dumarku ay u siman yihiin waxbarashada, siyaasadda iyo shaqada haddana in raggu ay weli aaminsan yihiin in ay iyagu ka sarrreeyaan jinsiga dheddig.