Khatarta Caafimaad Ee Shambooyada Gacmaha Lagu Maydhaa Ay Ku Keenaan Ubadka Iyo Sababta

0
655

Picture8

Washington (Geeska)- Tirokoob ay faafisay xarunta ku sumowda dawooyinka oo ka tirsan cisbitaalka Kansas ee dalka Maraykanka, ayaa lagu sheegay in dalka Maraykanka 153 carruur ah sannadkan oo keliya uu ku dhacay sumow sababtiisu Al-kool (Isbiirto) tahay, kadib markii afkooda uu si uun ku gaadhay shaambooga gacmaha lagu maydho ee jeermiska dila, kala badh carruurtaas ahna da’doodu ay ka yar tahay hal sano.

Xeeldheerayaashu waxa ay sheegeen in urta udgoon ee aalaaba loo sameeyo shaambooyada gacmaha lagu maydhaa ay ku riixdo in ilmuhu xiiseeyo in uu afka geliyo. Halka ay xeeldheerayaal kalana sheegeen in sidoo kale midabka quruxda badan ee warqadda ku dhegsan caagga shaamboogani ku jiraa uu soo jiito carruurta keenana in qaarkood doonaan in ay dhadhamiyaan. Sidaa awgeed waxa ay waalidiinta iyo cid kasta oo ay khusayso kula dardaarmeen in si gaar ah ay isha ugu hayaan hab-dhaqanka carruurta kana ilaaliyaan in ay afka geliyaan wax kasta oo qaldan.

Xeeldheerayaal caafimaad ayaa sheegay in shaambooyada gacmaha lagu maydho badankooda marka la samaynayo lagu daro maadadda Vodka loo yaqaanno oo ah maandooriye xaddi badan oo Alkool ahi ku jiro, taasina ay ka mid tahay sababaha ilmaha ay suntu uga gaadhayso marka uu afka geliyo ama xitaa inta uu gacmihiisa ku soo maydho shaamboogan, isaga oo aan shaamboogii gacmaha ka dhamayn uu cunto ku cuno oo sidaa uu shaamboogi afkiisa ku gaadho.