Adeeg Cusub Oo Talefannada Casriga Ah U Suurto-Gelinaysa In Ay Si Sahal Ah Sawirrada U Wadaagaan

0
675

Picture7

Hargeysa (Geeska)- Maalmihii u dambeeyey waxaa suuqyada ku jiray adeeg cusub oo dadka isticmaala talefannada iyo aaladaha kale ee casriga ah u suurtogelinaya in si sahal ah ay u wadaagaan sawirrada. Adeeggan oo lagu magacaabo Shoto waxa uu suurtogelinayaa in asxaabta ama ehelka iyo cid kasta oo doonaysaaba ay samaystaan Albamo sawirrada ay ku kaydsadaan oo kii kasta ee ka mid ah ee sawir ku rida albamkiisa ay u suurtogalayo in inta kale ee albamkaas la wadaagtaa ay sawirkaas ka arkaan talefannadooda, ama aaladahooda kale ee ay ka mid yihiin  iPad iyo Tablet.

Adeeggan cusubi waxa kale oo uu bixinayaa suurtogalnimada in sawirrada loo habeeyo Albanno loo eegayo meelaha kala duwan juqraafi ahaa ee sawirradaas lagu galay, si qofka ay ugu fududaato in uu raadiyo sawirrada uu u baahan yahay isaga oo ka eegaya hadba halkii lagu galay. Arrinta kale ee muhiimka ah ayaa ah in barnaamijkani uu qofka isticmaalaya uu siinayo awoodda ogolaanshiyaha sawirrada uu doonayo in ay saaxiibbadii la wadaagaan iyo kuwa uu doonayo in ay isaga u gaar ahaadaan.

Sida uu sheegayo warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Al-Carabiya, adeeggan oo lacag la’aan ah waxaa laga heli karaa suuqa Google Play ee ay isticmaalaan dadka haysta talefannadaha iyo aaladaha ku shaqeeya barnaamijka Android iyo App Store oo ay adeegsadaan dadka aaladahoodu ku shaqeeyaan barnaamijka iOS. Waxase xusid mudan in talefannada iyo aaladaha qaar aanay ku shaqaynayn barnaamijkan, taas oo qofku uu garan karo marka uu damco in uu soo dejisto barnaamijka Shoto.