Ma Warancade Ayaan Ahayn Ninkaan Aqaanay Mise Anigaan Anigii Ahayn?

0
603

Picture2?Cali Maxamed Warancade, waxaan bartay hilaadii lixdamaadkii oo uu joogay saldhiga dhexe ee Hargeysa oo aan filayo inuu madax ka ahaa xafiiska OP-ga loo yaqaano. Intaas wixii ka dambeeyay barasho wanaagsan ayaan u lahaa xilal kala duwan oo aan ahayn kuwa sare oo dawladii Somaliya ka qabtayna dusha ayaan kala socday.

Mana ay jirin wax ceebaal ah oo xilalkaas uga soo hoyday shakhsiyadiisa. Sannadihii dhawr iyo sagaashankii markii uu ku biiray xukuumadii AHN Maxamed Ibraahim Cigaal, waxaan filayaa markii u horaysay inuu noqday wasiirka ganacsiga. Wakhtigaas oo ahayd hilaadii 1995 wuxuu sameeyay talaabo uu sicir bararka hoos ugu dhigay, inkastoo dadka dhaqaalaha aqoonta u lihi tilmaameen inuu qaaday talaabo khalad ah oo ilaa hadda sabab u ah sicir bararka, haddana isagu intii taagtiisa ah iyo aniga aragtidaydaba wuu dedaalay oo ugu yaraan isbedel ayuu keenay.

Aynu ka nimaadno xafiiskii xidhiidhka bulshada ee uu Daahir Rayaale u dhiibay geeridii Cigaal ka dib iyo wasiirka duulista oo uu markii u dambaysay ee Rayaale ahaa oo aan la arag ceebo ay bulshadu aad u lafo-gurtay oo Cali u soo hoyday.

Hadda waa wasiirka arrimaha gudaha, mudadan labada sanno ku siman ee uu xilka hayayna waxa saaxiibkay Cali ka soo baxaysa qaylo-dhaan badan oo ka dhan ah siyaasadiisa iyo go’aan qaadashadiisa, malahaygana waa culayska wasaaradda loo dhiibay. Marka uu hadlayo waxa ka muuqata cadho badan, go’aamadana wuxuu qaataa isagoo cadhaysan oo aan samayn baadhis iyo daba-gal badan. Tusaale ahaan Warancade wuxuu sannadkan soo saaray amar uu ku kala bedelay waddooyinka caasimadda Hargeysa. Go’aankaas oo ahaa mid uu fudayd ka muuqday dhawr bilood ka dib ayuu haddana ka noqday oo waddooyinkii mar kale loo bedelay jihooyin kale. Iyaba waxay ahayd cibaaro iyo imtixaan.

Waa marka labaade Cali wuxuu isla sannadkan soo saaray go’aan uu yidhi booyadaha turuska lihi waa in laga jaro oo ay boolisku baacsadaan, go’aankaas oo isna ahaa mid aan baadhis badan ka dib la gaadhin ee lagu saleeyay deg deg iyo caadifad ma noqon mid shaqeeya qaylo iyo buuq badan ka dibna wuxuu noqday go’aan aan hirgelin.

Mayd maxaa u dambeeyay iyo kaas la sii sido. Maantana waxa muuqata inay wasaaradiisa ka soo baxday go’aan baabuurta lagaga jarjarayo bacaha madoow ee loo yaqaan Beersoosha, sababta lagu saleeyay qaadashada go’aankana waxa weeye nabadgelyada iyo xoojinteeda. Ogobeey saaxiibkay Cali miyuu iloobay in shacabku yihiin cidda koowaad ee ilaalisa nabadgelyada Somaliland, askariga qoriga sita waxa ka xogogaalsan shacabka oo mar walba heegan u ah xoojinta nabadgelyada iyo ilaalinteeda. Akhriste bal adigu tiri inta jeer ee ay shacabku fashiliyeen weeraro uu cadowgu la maaganaa Somaliland iyo shacabkeeda. Shacabkii sidaas nabadda u ilaalinayay ayaa maanta la leeyahay nabadgelyadii ayay ku waxyeelaynayaan bacaha beersoosha. Caliyoow taasina mid dadka u qudhqudhsamaysa maaha, waxaanan kuu soo jeedin lahaa inaanad shacabka colaad gashan ee aad ku abuurato kalsooni. Waa marka labaade bacaha waxa ka ganacsada dad shacab ah oo qoysaskooda ka quudiya kuwaas oo weliba u badan dhallinyaro quutal yawmka ka soo ridda baabuurka ay bacaha ku xidhaan.

Ugu dambayn waxaan isweydiinayaa taloow ma anigaa taraaray oo Cali ku yara kacsan mise Cali ayaan ahayn caligaan aqaanay.

Xuseen Axmed Gaaxsane London