Boqor Buur-Mawow Waa Dhif iyo Naadir Hoggaamiye Dhaqameed La Miisaan iyo karti ah

0
810

Picture1Boqor Cismaan Aw Maxamuud ‘’Buur-Madow’’ waa halyey ku suntan run sheeg badan oo loo arko, in uu yahay nin ka xoroobey aafada qoobadaysan ee qabyaaladdu leedahay iyo sidoo kale, bakhaylnimada- dhab caalnimada ku salaysan. waa nin fikirkiisa aan ugu hamran shakhsi  boqor iyo Dawlad mida oo aragtidiisa xorta ah maxbuus u noqday marar badan balse  aanay cago juglayntu ka duwin dariiqiisa.

Waa deeqsi dhalliinyaro ah ee ku caan-baxay, Nabadayn iyo  in uu laba beelood oo dagaal safeyn ah iskaga soo hor- jeeda  mago-bixin raagtey, dil iyo aano awgeedna ku muransan  oo aan laysu qirsanayn, waa halyay ku kala hagoogta in dhiig Islaam daato, kuna kala dirra  oo ku kala dhaqaajiya aftahamadiisa,  maalkisaa miyi iyo jeebkiisa shakhsinimo  kana dhex-dhaliyo is-laax iyo is-afgarad if iyo aakhiradaba ummada u wanaagsan. Wuxuu can ku yahay daminta colaadaha iyo dagaalada  kuwaas oo  heerkastaba mid  siyaasi iyo mid dhaqameedba  waa  nabadoon taariikdu xusto oo ku dayasho iyo hambalyo mudan.

Waa geesi dhiiran oo aan la loodin karin laguna aqoonin gabasho madal iyo maqaamkeedna ahibo alle u siiyey oo abbaara halka toosan. Maaha nin  looga bartan af iyo adinba fulaynimo markii dirir iyo dagaalo soo food saaraan ee ka fursan waa ma kace badheedha.

Waa shakhsiyad ku can-baxay ka hawlgalka siyaasadda dib-u-heshiisiinta iyo doorka nabadaynta, bulshada khilaafku ka dhex taagan yahay oo sida looga bartey uu ka odoyeeyo, isagoo ku wacan isu jiid-jiidka iyo u kala ergeynta beelaha u khilaafku ka dhex aloosan yahay.

Waa nin niyadsan oo af iyo gacankaba ugu hiiliya  dulmanaha iyo dadka dan-yarta ah, taas oo marag ma doon ah oo loo soo joogey inuu rag ku xidhan xabsiyada oo aysan isku hayb ahayn maalkiisa ku furto.

Waa nin haybad hasaawe iyo hilaad boqornimo leh oo magiciisa laga yaqaan mashriq iyo maqrib-ba, (kulankii boqorada Afrika, khaliijka carabta iyo Dhulka afsoomaliga laga hadlo) wuxuuna hankiisu gaadhsiiyey, inuu martiqaad ka helo oo uu beryo la soo caweeyo Madaxda caalamka intooda badan ee sida la ogyahay, loona fidiyo casuumad sharafeedyo, taariikhi ah.

Ugu danbeyntii, waxaa hore loo yidhi “Ma gudboona geesiga guusha hanta iyo gocorka caayaye” sidoo kale, in kastoo la caasiyo nin raga xadhig allow yaalla.

Sidaas awgeed, waxay is-weydiintu tahay waa kuma hoggaamiye dhaqameedka la karti iyo miisaan ah Buur-madow???