Kulan Hargeysa Lagu Qabtay Oo Lagu Taageeray Murashaxnimada Axmed Cabdi Kijaande Ee KULMIYE

0
579

Picture6Hargeysa(Geeska)- Shir ay isugu yimaadeen Aqoonyahanka, Siyaasiyiinta, Dhalinyarada, Waxgaradka ee beesha ARAB ayaa ka dhacday magaalada Hargeysa, waxaana lagaga tashaday murashaxnimada xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe.

Kulankan oo ay jilbaha is-dhigeen xubno isugu jiray Xildhibaano ka soo kala jeeda Golaha Wakiillada iyo Guurtida, Siyaasiyiin, Ganacsato,wax lagaga arrinsaday, isla markaana wax la iskaga-weydiiyay wacdiga Siyaasadeed ee wakhtigan dalku sida uu yahay, duruufaha siyaasadeed ee ku soo food leh, iyo sidii loo hanan lahaa Kursiga Murrashixiinta Madaxweynaha ee doorashada madaxtooyada ee soo socota. Sidaas waxa baahisay shabakadda wararka ee Hayaan News.

Waxaanu warku intaasi ku darayaa Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe oo ka mid ahaa xubnihii aasaasayaasha Xisbiga KULMIYE kulankaasi ka sheegay inuu u taagan yahay murashixiinta u tartamaya murashaxnimada madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE ee doorashsada soo socota.

Xog-wareysi, faaqidaad dheer kadib waxa madashaasi la iskula qaatay in la taageero murashaxa Axmed Cabdi Kijaandhe. Sidaa daradeed waxa la iskula qaatay in Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe  hanka murrashaxnimo ee uu la yimi lagu taageero.

Sida aynu la socono Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe waxa uu ka tirsan yahay Golaha fulinta Xisbiga KULMIYE, Sidaa daradeed shaacintiisan ah inuu u tartamayo murrashaxnimada Madaxweynaha Xisbiga KULMIYE waxay ku soo beegmaysaa wakhti uu Xisbiga KULMIYE uu loolan adagi ka taagan yahay ciddii ku guuleysan lahayd Kursiga murrashaxnimada ee Xisbiga.

Si Kastaba ha ahaate, Murashixiinta Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE ayaa si dad-ban uga marag-kacaysa in Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (SIILAANYO) inaanu mar labaad isu soo taagayn doorashada Madaxweynanimada, inkasta oo uu ilaa imika si rasmiya  u sheegin inuu ka tanaasulay.