Ismaaciil Buubaa Oo Dib Ugu Dhacay Arbacada Toddobaadkan

0
639

Picture5Hargeysa(Geeska)-Siyaasiga Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa) oo la filayay inuu jimcihii shalay yimaado magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, ayaa dib ugu dhacay ilaa Arbacada toddobaadkan.

Waxa magaalada Hargeysa laga dareemayay diyaar garow balaadhan oo siyaasigan lagu soo dhawaynayo iyadoo jidadka magaalada laga taagay sawiradiisa waxaana la wada sugayay inuu jimcihii shalay yimaado waxase ku yimid dib u dhac. Md. Buubaa oo uu Geeska Afrika xalay la xidhiidhay isagoo jooga wadanka Qatar, ayaa sheegay inuu u baaqday balan dhakhtar oo uu lahaa, waxase uu sheegay inuu ku qoranyahay duulimaadka subaxnimada Arbacada oo uu ka soo degayo magaalada Hargeysa.

Ismaaciil Buubaa ayaa muddo dheer ahaa siyaasi ka soo horjeeday qaranimada Somaliland, waxase uu hadda ka soo laabtay fikirkii uu aaminsanaa ee Somaliweyn.