Machadka Imaamu Ibnu Baaz Oo Shahaadooyin Guddoonsiiyey 270 Arday Oo Bartay Shareecada Islaamka  

0
620

Picture2Hargaysa(-Geeska):-Munaasibad shahaadooyin lagu guddoonsiinayey dufcadii siddeedaad ee barata culuumta shareecada islaamka kana qalin-jabisa Machadka Imaamu Ibnu Baaz ayaa magaalada hargaysa ayaa khamiistii lagu qabtay hotelka Ambassador ee Magaalada Hargaysa.

Ardaydan oo tiradoodu ahayd laba boqol  Iyo Toddobaatan arday waxa munaasibada loo qabtay qalin-jabintooda ka soo qayb-galay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Guddoomiye Ku Xiggeenka Labaad ee Golaha Wakiilada Somaliland, Wasiirka Dib-Udajinta, Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Diinta Iyo Awqaafta, Agaasimaha Waxbarashada Gaarka ah ee Wasaarada Waxbarashada, Salaadiin, Culimo, Maamulka Iyo Macallimiinta Machadka Ibnu Baaz iyo marti sharaf kale. Ugu horayn waxa munaasibadaasi ka hadlay Maamulaha Machadka Imaamu Ibnu Baaz Sheekh Faysal Yuusuf Cilmi waxaana uu ka waramay aas-aaskii machadkan iyo maraaxilkii uu soo maray ka dib aas-aaskiisa waxaana uu yidhi:-“Machadka Ibnu Baaz waa machad la aas-aasay 2008, dufcadan maanta baxaysaana waa dufcadii siddeedaad, machadku waxa uu ka aas-aasmay suuqa badhtankiisa fooqa bis laba galaas ayuu ahaa aas-aaskiisii hore hadda maalin iyo habeenba laguma kala baxo fasaxna ma laha jimcaha iyo khamiista waa la dhigtaa waxa aanu taas u samaynaynaa kii suuqa joogay ee kaaryoonaha watay si aanu uga qadin barashada diinta islaamka, wax kalena maaha waxa uu Machadku u shaqaynayaa khidmadna uu u yahay in uu dadka ka saaro jahliga diiniga ah ee haya”.m Maamulaha Machadka Imaamu Ibnu Baaz waxa uu intaasi ku daray in ay dhawaan ka hirgalin doonaan xaafada caasimada hargaysa  qaybo kale oo ah dugsi hoose dhexe isagoo xukumada iyo bulshadana ugu baaqay in ay ka qayb-qaataan sidii dhisme uu leeyahay uu u heli lahaa machadka Imaamu Ibnu Baaz oo hadda kiro ku jira. Sheekh Cabdilaahi Xasan Xaashi(Berberaawi) ayaa isna halkaasi ka jeediyey khudbad la xidhiidha faaidada barashada cilmiga diiniga ahi uu leeyahay bulshada waxaana uu ardayda qalin-jabisay kula dardaarmay in aqoontii ay barteen uga faaideeyaan bulshada. Sheekh Aadan Cabdilaahi Cabdalle Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Diinta Iyo Awqaafta Somaliland oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Machadka Imaamu Ibnu Baaz uu ka mid yahay Macaahiida xidhiidhka la leh wasaarada diinta iyo awqaafta Somaliland, Agaasimaha guud waxa uu si qoto-dheer uga hadlay qiimaha iyo karaamada uu leeyahay qofka bartay cilmiga diiniga ah. Suldaan Axmed Daahir Muuse oo ka hadlay munaasibadaasi ayaa ugu horayntii hambalyo u diray maamulka Machadka Ibnu Baaz waxaana uu kula taliyey in ay halkaasi ka sii wadaan dedaalka ay ugu jiraan sidii ay bulshada uga saari lahaayeen jahliga waxaana uu intaas raaciyey in luqada carabiga oo la bartaa ay tahay furihii lagu baran lahaa cilmiga diiniga waxa uu bulshda uga digay suldaanku ku dhaqanka qabyaalada, Qaadka, tahriibka iyo in ay noqdaan kuwo u damqada diinteena suuban ee islaamka sida ay ugu damqanayaan reer hebel iyo waxyaabaha la halmaala. Wasiirka Wasaarada Dib U Dajinta Somaliland Mudane Cali Siciid Raygal oo khudbad aad u dheer halkaasi ka jeediyey ayaa sheegay in barashada shareecada islaamku ay tahay mid qiime weyn ugu fadhida bulshadeena waxaana uu ku amaanay Maamulka Machadka Imaamu Ibnu Baaz dedaalka ay ugu jiraan sidii bulshada ay uga haqab-tiri lahaayeen Barashada Shareecada islaamka oo uu ku tilmaamay in ay tahay meesha aynu ku abtirsano. Guddoomiyaha Xisbiga Talada Dalka Haya ee Kulmiye Muj Muuse Biixi Cabdi oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in cilmiga diiniga ahi uu yahay midka ay ku dhisan tahay guud ahaanba nolosheenu isagoo maamulka, Macallimiinta iyo ardayda Machadka Ibnu Baaz ku sifeeyey in ay yihiin kuwo ka dhisan aqoonta diiniga ah iyo akhlaaqda guudba. Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo la hadlayey Culimada Waddanka waxa uu ugu baaqay in ay ka qayb-galaan hogaaminta waddanka waxaana uu yidhii:-“Dalka taladiisa,hogaamintiisa iyo mustaqbalkiisa saddex xisbi ayaa u xil-saaran Machadka Ibnu Baaz uma xil-saarna saddex xisbi oo Ucid, Kulmiye Iyo Waddani la yidhaa ayaa u xil-saaran bal kaad doontaan tagoo mid muslim ah oo wanaagsan oo waxa aad doonaysa hirgaliya ka soo saara ,dalka idinkaa u badan uguna maal badane , haddii aad maalkiina xaga dambe gashataan , rayigiina la baqataan ,taladiina cidla ka fadhiisataan hadhawna calaan-cashaan dee isma qabato cullimoy”.

Waxa kale oo Munaasibadaasi ka hadlay Guddoomiyaha Waxbarasahada gaarka ah ee Wasaarada Waxbarsahada Iyo Tacliinta Sare Somaliland Muuse Maxamed Shide, Hormuudka Kulliyada Shareecada Islaamka ee Jaamacada Golis Sheekh Muuse Maxamed Cabdiraxmaan(Tarax) Iyo Suldaan Maxamed Muuse Nuur Abu-sufyaan dhamaantoodba waxa ay ku dheeraadeen qiimaha cilmiga iyo sida Macaahida Iyo Dugsiyada waxbarasho ee dalku ay u soo saaraan dad aqoon leh oo laga dhex arko hanka iyo himilada umadu leedahay. Ugu dambayntii waxa Munaasibadaasi soo gabagabeeyey Guddoomiye Ku Xiggeenka Labaad ee Golaha Wakiilada Somaliland Mudane Cali Yuusuf Axmed waxaana uu sheegay in haddii la helo umad ku dhaqanta  diinteena suuban ee islaamka aynu qaran ahaan noqonayno dal meel wanaagsan gaadha isagoo xusay in Macaahida lagu barto shareecada islaamka aynu baahi weyn u qabno. Gabagabadii waxa guddida ardayda ee Machadka Ibnu Baaz ay gaadhi loogu talo-galay faafinta dacwada ku wareejiyeen Maamulka Machadka Ibnu Baaz halka Maamulkuna Shahaado Sharaf uu guddoonsiiyey Guddida ardayda Machadlka, waxa kale oo halkaasi Shahaadooyinkii ay Mutaysteen iyo Jaaisado kaleba lagu guddoonsiiyey ardaydii ka qalin-jabisay sannadkan Machadka Ibnu Baaz..