Suldaan Daakir Oo Soo Jeediyey In Beelaha Gabooye Siddeed Xubnood Loogu Daro Golaha Wakiilada

0
690

Picture1Hargeysa (Geeska)-Suldaan Daakir Xasan Khaliif  oo ka mid ah Salaadiinta Somaliland, gaar ahaan Saladiinta Beesha Gabooye, ayaa ka hadlay saami qabsiga, waxaanu soo jeediyey in Beelaha ka maqan Golaha Wakiilada, inay muhiim tahay in loogu daro xubno, waxaanu ku baaqay in Beesha Gabooye, oo uu sheegay in cid uga dooda oo dantooda uga hadaa aanay jirin in Siddeed xubnood loogu daro, isla markaana Golaha Wakiilada Sagaashan laga dhig, Dastuurkana dib loo furo.  Suldaan Daakir Xasan Khaliif oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah siiyey ayaa sidoo kale eedo u soo jeediyey Xukuumadda, waxaanu sheegay inay Xukuumaddu waxyaabo badan ku fashilan tay, waxa kale oo uu ka hadlay qodobo badan, ugu horeyna waxa uu hadalkiisi ku bilaabay sidan “Anigu waxa aan aamisan ahay in qadiyada Saami qaybisa ee Barlamaanku ay tahay qadiyada u baahan in aad looga fiirsado, oo haddii dalkan rajo laga qabo, oo la doonayo inuu horumaro, in umaddu waxa ay xaq u leedahay la siiyo,oo nidaam la sameeyo, anaga beel ahaan cid Barlamaanka nooga dooda ma jirto, cid noo hadlaysa ma jirto, waxaana doonaynaa in codkayga aanu ka dhex dhiibano, cod dheer iyo cod gaabanba waxa aan leeyahay ha la xasuusto Beelaha ka maqan Barlamaanka , oo xaqooda ha siiyo, oo Dastuurka ha la furo, waxaana leeyahay Golaha Wakiilada Sagaashan ha laga dhigo, oo anaga Siddeed Xubnood ha naloogu daro”. Suldaan Daakir ayaa mar uu ka hadlaayey shaqaaqo dhawaan ka dhacday xaafada Daami ayaa yidhi “Shaqaaqadii wey dhamaatay, ILAAHAY baana ugu mahad celinayaa, waxayna ku dhamaatay si wanaagsan, waxaana meesha isku qabsaday waxa ay ahaayeen dhalinyaro, waana la heshiisiiyey, waxaan se aad iyo aad ugu xumahay in mar walba iyo wakhti kastaba in Xukuumadda taladda haysa marka ay Daami timaado inay si gaar ah beesha Gabooye u eegato”.

Suldaan Daakir ayaa mar uu ka hadlaayey Xukuumadda ayaa yidhi “Xukuumadda taladda dalka haysa wey ku fashilan tahay wax walba, amnigii ayey ku fashilantay, balanqaadkii ay umadda wax u balanqaaday ayey ku fashilantay, wax alaale wax la taaban karo oo ay Bulshada u qabatay ma jirto”.

Suldaan Daakir ayaa mar uu ka hadlaayey go’aankii Maxkamada sida uu arko ayaa yidhi “Go’aankii Maxkamadu wax iska cad ayuu ahaa, Guddoomiyaha Maxkamada sarena nin fiican weeye, balse go’aankii ugu dambeeyey ee Maxkamadu waxa uu ahaa mid awood iyo cadaadis lagu saaray, oo Xukuumaddu ka dambaysay, go’aan laga sugaayey inay Maxkamada sare ku dhawaaqdo may ahayn, balse haddii lagu wada qancay, waa iska caadi, balse waxa iga dardaaran in in Doorashadii la bilaabo, Xukuumadduna daacad ka noqoto inay Doorashada qabato, oo sidii loo qaban lahaa ay sii diyaariso, si aanay muddo kordhin dambe u sii dhacdo”.

Dhinaca kale waxa uu Suldaan Daakir ku baaqay in cadaalada la ilaaliyo, oo Beel waba wixii ay xaq u leedahay la siiyo.