Awoodo Kala Duwan Oo Ku Hirdamaya Qabashada Shirka Golaha Dhexe Ee KULMIYE Iyo Madaxweyne Siilaanyo Oo Laga Sugayo Go’aanka U Dambeeya

0
760

kkHargeysa(Geeska)-Awoodo qarsoon ayaa ku hirdamaya qabashada shirka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, kaas oo la filayay inuu qabsoomo bisha September ee sannadkan oo ay maalmo koobani inaga xigaan.

Shirkan golaha dhexe ee KULMIYE oo qodobada ugu muhiimsan ee lagu dooran doono ay ka mid yihiin  murashaxa madaxweyne iyo xigeen ee xisbiga u meteli doona doorashada soo socota ee madaxtooyada, waxa labadii bilood ee u dambeeyay socday hirdan u dhexeeya awoodo kala duwan oo weliba qarsoon kuwaas oo uu dhinac waliba doonayo in shirka la qabto wakhtiga uu u qorshaystay.

Sida ay wararku sheegayaan hoggaanka xisbiga KULMIYE ayaa iyagu doonaya in shirka golaha dhexe la qabto ugu dambayn intaanu sannadkani dhammaan si uu xisbigu u galo diyaar garow uu ku doonayo inuu mar labaad ku hanto talada dalka islamarkaana uu ku sameeyo wax ay ugu yeedheen laba-kaclayn. Balse masuuliyiin kale oo aan ka tirsanayn hoggaanka xisbiga balse xilal ka haya xukuumadda ayaa iyaguna dhinacooda doonaya in ugu horayn shirka golaha dhexe ee xisbiga la qabto badhtamaha sannadka dambe iyagoo ku doodaya in shirka golaha dhexe ee xisbiga oo wakhti dhow la qabtaa ay natiijada ka soo baxdaa dhaawac ku keeni karto xisbiga iyo hoggaanka Madaxweyne Siilaanyaba. Waxaanu loolankani u dhexeeyaa murashixiinta u tartamaysa kursiga murashaxa madaxweyne ee xisbiga KULMIYE iyadoo la filayo in Madaxweyne Silaanyo aanu mar dambe isu soo taagi doonin doorashada madaxtooyada Somaliland. Waxaana ragga murashixiinta ah ee muuqda ee uu tartanku dhex mari doono ka mid ah guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis, Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe oo isagu cadeeyay inuu yahay murashax,  wasiirkii hore ee maaliyadda md Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo weliba rag kale oo qarsoon oo la filayo inay iyaga qudhoodu miisaan ku soo kordhin doonaan saaxadda tartanka. Geesta kale waxa maalmihii u dambeeyay madaxtooyada koox koox u tagayay odayaal reer Somaliland ah oo kala taageersan murashixiinta ugu awooda badan xisbiga dhexdiisa kuwaas oo garab waliba dhinaciisa u waday abaabul iyo taageero ay madaxtooyada kaga dhaadhicanayaan in murashaxa ay wataan yahay ninka la isku raacsanyahay. Waxase la sheegay in madaxtooyadu odayaashaas intooda badan ugu jawaabtay inay doorashada murashaxu u taalo xisbiga KULMIYE. Wakhtiga la qaban doono shirka golaha dhexe ee KULMIYE, waxa ugu dambayn go’aamin doona Madaxweyne Siilaanyo oo uu dhinac kasta oo ka tirsan garabyadani doonayo inuu ku qanciyo in soo jeedintiisa la qaato. Waxase la eegi doonaa wakhtiga uu Madaxweyne Siilaanyo u go’aamiyo qabashada shirka golaha dhexe ee KULMIYE, haddiiba aanu soo cayimada wakhtiga ugu haboon u magacaabin guddi farsamo oo ka soo talo bixisa.