Dr. Maxamed-Rashiid Oo Beeniyay Inuu Is Casilay

0
578

Picture8

Hargeysa(Geeska)-Wasiirul dawlaha arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed-rashiid Sheekh Xasan ayaa si kulul u beeniyay warar laga baahiyay oo sheegaya inuu iska casilay xilkii uu u hayay qaranka.

Shabakad warareed oo lagu magacaabo Borama News, ayaa shalay baahisay in wasiirul dawle Dr. Maxamed-rashiid uu is casilay. Hase yeeshe Dr. Maxamed-rashiid oo isagoo jooga Hargeysa xalay la soo xidhiidhay Geeska Afrika ayaa warkaas beeniyay, “Warkaasi waxba kama jiraan, mana jirto meel aan isku casilay iyo meel aan xataa ku soo hadal qaaday. Warkaas layga baahiyay waa mid aanay waxba ka jirin.” Ayuu yidhi Dr. Maxamed-rashiid oo intaas raaciyay, “Waxa faafiyay dad dacaayad iyo been abuur faafinaya, cidda faafisay ee daabacdayna waxaan la tiigsan doonaa sharciga. Waxaan shacabka u cadaynayaa inaanay jirin wax is casilaad ah oo aan madaxweynaha Somaliland u gudbiyay, diyaarna waxaan  u ahay inaan qarankayga u shaqeeyo.” Sidaas ayuu Dr. Maxamed-rashiid ku beenyiyay wararka laga baahiyay ee sheegayay inuu is casilaad u gudbiyay Madaxweynaha.