Ismaaciil Buubaa Oo La Filayo Inuu Beri Hargeysa Yimaado

0
741

Picture5Hargeysa(Geeska)-siyaasiga Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa) oo muddo dheer ka maqnaa Somaliland, ayaa la filayaa inuu jimcaha beri ka soo dego madaarka Hargeysa ee Cigaal Airport.

Md. Buubaa ayaa wuxuu Hargeysa imanayaa ka dib markii uu ka soo noqday fikirkii Somaliweyn islamarkaana uu u soo noqday mabda’ madaxbanaanida Somaliland oo uu muddo dheer ka soo horjeeday. Buubaa ayaa cadeeyay inuu ka soo noqday mabda’aas hore islamarkaana uu hadda wixii ka dambeeya ka shaqayn doono qaddiyadda Somaliland.

Ismaaciil Buubaa oo ka soo baxaya wadanka Qatar, waxa magaalada Hargeysa laga dareemayaa diyaar garow balaadhan oo lagu soo dhawaynayo isagoo hore wadanka Imaaraadka Carabta ugula kulmay Madaxweyne Siilaanyo.

Ismaaciil Buubaa oo dhinaca kale ah aqoonyahan ayaa wuxuu ka tirsanaa madaxdii ururkii SNM, waxaanu noqday wasiirkii maaliyadda ee xukuumadii u horaysay ee Somaliland loo dhisay sannadkii 1991, balse wixii ka dambeeyay wuxuu dhawr xil oo wasiirnimo ka soo qabtay dawladihii kala dambeeyay ee Somaliya isagoo ku sugnaa Muqdisho.

Ismaaciil ayaa la filayaa inuu saxaafadda kula hadlo madaarka Hargeysa haddii Alle idmo marka uu jimcaha beri soo gaadho.