Saacadda Ugu Horreysa Maalin Kasta Ayaa Sees U Noqonaysa Guul Aad Ka Gaadho Hawl-Maalmeedkaaga (1)

0
748

Picture3Hargeysa (Geeska)- Sida caadiga ah shaqada soo-noq-noqotaa waxa ay qofka ku abuurtaa daal nafsiya oo badan, laakiin haddana waxaa jira dad badan oo ogaaday in saacadda ugu horreysa maalinta oo ah subax kasta marka ay hurdada ka kacaan ay tahay ta iyadu go’aaminaysa sida ay maalinta inta hadhay oo dhami noqon doonto. Sidaa awgeed marka aad u fiirsato hab-nololeedka dadka lagu tilmaamo in ay adduunyada guulo ka gaadheen waxa aad arkaysaa in saacaddan ay muhiimad gaar ah siiyaan. Haddaba qormadan oo uu Geeska Afrika afsoomaali u rogay waxa ay dadkaas caanka ah qudhoodu inoogu sheegayaan waxa ugu horreeya ee mid kastaa qabto marka uu hurdada ka kaco.

1. Maalin kasta waxa ugu dambeeya ee aad qabataa ha noqdo diyaarinta waxa ugu horreeya ee aad berri qaban doonto:

Kenneth Chenault oo dhashay sannadkii 1951kii waa agaasime ganacsi oo u dhashay dalka Marayanka, tan iyo sannadkii 2001da waxa uu ahaa agaasimaha fulinta ee shirkadda American Express oo uu isla markaana guddoomiye ka ahaa. Shanta boqol ee shirkadood ee ugu ballaadhan dalka Maraykanka, saddex ka mid ah oo keliya ayaa dad madow ahi ay maamulaan, Kenneth na saddexdaas ayaa uu ka mid yahay.

Picture2Haddaba Kenneth oo ka jawaabaya sida uu maalintiisa u maamulo waxa uu yidhi, “Marka hore shaqada ugu dambaysa ee aan maalintii qabto inta aanan xafiiska ka bixin waa in aan meel ku sii qorto saddexdda shay ee ugu muhiimsan ee aan doonayo in aan berri sameeyo, kadib subaxnimada dambe marka aan soo kaco, waxa aan saacadda ugu horreysa ka shaqeeyaa saddexdii arrimood ee aan shalay sii qortay.” Kenneth waxa uu sheegay in uu u arko in aanay sidan ahayn habka ugu fiican, laakiin haddana uu aaminsan yahay in ay tahay hab wanaagsan oo maskaxda loogu diyaarin karo in ay hawsheeda subaxnimo si caadi ah ula jaan qaaddo”

2. Maalintaada ku bilow saacad aad naftaada ku keli noqotid, si aad u diyaarsato hawlmaalmeedkaaga:

Qoraaga Endred Pluto, waxa uu sheegay in uu arkay dad aad u badan oo ka mid ah dadka guulaha ka gaadhay shaqadooda, oo inta ay shanta subaxnimo toosaan, ugu yaraan hal saac oo waqtigooda ugu horreeya ka mid ah la shawra naftooda oo keliya. Saacaddaas waxa ay sameeyaan wax yaabo ay xiise iyo xamaasad shakhsiya u hayaan, sidoo kale waxa ay waqti ku qaataan diyaarinta, qorista iyo nidaaminta afkaarta maskaxdooda ka guuxaysa ee shaqada khusaysa.