Shirkadda Facebook Oo Samaynaysa Diyaarad Aan Duuliye Wadin Oo Internet Dunida Ku Faafinaysa

0
697

Picture10

Washington (Geeska)- Hawlwadeennada shirkadda facebook ayaa dhamaystiray samaynta diyaaraddii ugu horreysay ee bilaa duuliye ah ee ku shaqaynaysa tamarta qorraxda, taas oo awood u leh in ay internet ka gaadhsiiso dunida meelaha miyiga ah ama faqiirka ah ee aanay ka shaqaynin shirkadaha is-gaadhsiintu.

Sannadkan dabayaaqadiisa ayaa lagu wadaa in shirkadda Facebook ay si rasmi ah u bilowdo tijaabinta diyaaraddan oo leh laba baa loo aad ugu eeg kuwa diyaaradda Boeing 737 ee lagu sameeyo dalka Maraykanka, mid ka mid ah masuuuliyiinta shirkadda Facebook ayaana warbaahitna u sheegay in diyaaraddan bilaa duuliyaha ahi ay qayb ka tahay barnaamij ay shirkaddu u bixisay Aquilla oo ujeedadiisu tahay in internet la gaadhsiiyo boqolkiiba 10 dadka aan internet ka helin ee dunida ku nool.

Diyaaraddan oo ku duulaysa joog qiyaas 20 illaa 30 Kilomitir ah ka sarraysa joogga ay diyaaradda ganacsigu ku duusho ayaa ay khubaradu sheegeen in aanay wax dhibaato ah ku keenayn isbedellada kala duwan ee cimiladu. Hal sano ka hor ayaa ay shirkadda Facebook bilowday ol’ole ay u bixisay “Internet aan urur lahayn” oo ay ku dhiirrigelinayso in adeeggan casriga ah la gaadhsiiyo ugu yaraan saddex meelood laba dadka dunida ku nool oo maanta aan helin internet joogto ah.