“Wasiirka Ganacsigu Wuu Noo Cadeeyay In La Wareejinayo Haamaha Shidaalka”

0
571

Picture6Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Naasir Cali Shire oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan Guddida ilaalinta Hantida Qaranka, ayaa sheegay in Shirkado gaar loo leeyahay lagu wareejinayo haamaaha Shidaalka Berbera, waxaanu tilmaamay in Wasiirka Wasaaradda Ganacsigu u xaqiijiyey in wareejinta haamaha Shidaalku dhab tahay.

Xildhibaan Naasir Cali Shire, ayaa isaga oo warbaahinta ugu waramay Golaha Wakiilada, ka dib kulan albaabadu u xidhnayeen oo ay Shalay Guddida Ilaalinta Qaranku la yeesheen Wasiirka Ganacsiga, sheegay in  hawlihi iyo shaqooyinkii Wasaaradda Ganacsigu xaqa u lahayd in laga qaaday, lana rifay, shaqooyinkeediina lagu soo koobay Liisamo, waxa kale oo uu Xildhibaanku sheegay inay waxyaabo badan oo ku saabsan Ganacsiga dalka ay ka wada hadleen, waxaanu ugu horeyn yidhi “Maanta (Shalay), oo ay bishu ahayd 25/8/2015-ka,sidii cadaadada noo ahaan jirtay Guddida Ilaalinta Guddida Ilaalinta Qaranka oo ka mid ah Guddi hoosaadyada Golaha Wakiilada waxa aanu la kulnay Wasiirka Ganacsiga,runtii aad baanu ugala wadda hadalnay waxyaabo fara badan oo Wasaaraddiisa khuseeya, waxyaabaha ugu horeeyey ee aanu ka wada hadalnay waa kala xadaynta Ganacsiga, waxayna noo sheegeen inay xogo ururinayaan si ay u ogaadan dadka leh liisamada Jumladlayaasha (Whole Sale), sidii ay ugu eekayaan lahaayeen dadkaasi Jumladooda oo keliya, dadka kale ee tafaariiqa ahna, ee la siiyey liisamada, inay si gaar ah u ogadaan  magacyadooda iyo tiradooda,  waxa ay noo sheegeen inay xogtaasi meel fiican u marayso, oo Xog ka sameeyeen, isla markaana ay imika ku talo jiraan inay talabaadii ugu horeeysay ka qaadan sidii ganacsiga loo kala xadayn lahaa, oo ninkii Jumlada ahaa uu ku eekan lahaa jumlada ninkii tafaariiqlaha ahina uu tafaariiqdisa ahaado,waana qodobada ka gudi ahaan sida toos ah ugu hadalnay”.

Xildhibaan Naasir Cali Shire ayaa mar uu ka hadlaayey in Haamaha Shidaalka Berbera lagu wareejinayo Shirkado gaar loo leeyahay ayaa yidhi “Waxyaabaha kale ee aanu ka hadalny ee jira ee aadka loo hadal hayo waa arinta haaamaha, sidi aynu la socono arinta Haamaha waxa baryahan dambe la hadal hayaa in lagu wareejiiyo Shirkado gaar loo leeyahay, waxa uu Wasiirku noo caddeeyey in arinkaasi dhab yahay, waxa kale oo ay noo caddeeyeen oo halkaas nooga muuqatay in iyagu ka Wasaarad ahaan ay Haamaha maamulaan oo kaliya maamulka, balse marka ay lacagaha iyo kharashaad noqotay aanay haba yaraate shaqo ku lahayn, kharashadkaas iyo lacagaasina ay tahay wax saddex bilood le ah, oo ay maamusho Wasaaradda Maaliyaddu, anagana waxa noo cadaatay markii aanu la kulanay mar hore Maareeyaha Haamaha runtii in dakhli culus oo qarankani leeyahay oo laga jaro halkii litir ee ay iibiyanba inay ku soo xarooto haamaha shidaalka ee Berbera ku yaala, markaas rutii arinta ku saabsan goorma aya la wareejinyayaa ilaa hadda noomay caddaan arintaasi Wasiirkuna wuu ka gaabsaday inuu noo sheego, laakiin waxa uu noo sheegay inay yihiin ka Wasaarad ahaan cida ugu dambaysay ee ku shaqo leh saxeexa ugu dambeeya inay bixiyaan”.

Xildhibaan Naasir Cali Shire ayaa mar uu ka hadlaayey waxyaabaha kale ee ay ka wada hadleen Wasaaradda Ganacsiga ayaa yidhi “Waxyabaha kale ee aanu ka wada hadalnay Wasaaradda Ganacsiga in la rifay oo laga googooyey waxyabo fara badan oo ay xag u lahayd, haddii ay tahay waxyaabaha la dhoofiyinayo iyo waxyaabaha la soo dajinayo, haddii ay ahaan lahayd taladii guud iyo qorshihii guud ay dalkan ganacsigiisa kaga qayb qaadan lahayd, waxaanad mooda in  lagu soo koobay oo kaliya liisan ganacsi oo ay bixiso, oo xataa maxa ugu dhaw ganacsiga xoolaha, dakhliga inaga soo gala iyo sidii loogu raadin lahaa suuq, waxaanad mooda in wasaaradda ganacsiga la rifay, waxaana doonaynaa in warbixin in kulankan na dhex maray anaga iyo wasaaradda ganacsiga in sida ugu dhakhsaha badan ka warbixino”