Qaylada Iyo Sawaxanka Oo La Yareeyaa Waxa Ay Ka Hortag Fiican U Tahay Xanuunnada Ku Dhaca Wadnaha

0
773

Hargeysa (Geeska)- Cilmibaadhis dhaqaale oo dhowaan soo baxday ayaa daahfurtay in qaylada iyo sawaxanku ay ka mid yihiin sababaha keena Dhiig-karka iyo xanuunnada wadnaha ku dhaca, waxa aanay ku talisay in sawaxanka oo laga yareeyo magaalooyinka Maraykanku in ay dawladda Maraykan u badbaadin lahayd lacag ka badan 3 Bilyan oo doolar oo sannad kasta kaga baxda la dagaalamista iyo daweynta wadne xanuunka.

Richard L. Entezl oo ka tirsan kuliyadda caafimaadka ee jaamacadda Michigan ee dalka Maraykanka isla markaana hoggaaminayey cilmibaadhayaasha daraasaddan sameeyey ayaa dawladaha ku dhaliilay in ay lacag badan ku bixiyaan dhimista wasakhowga hawada iyo yaraynta xaaladaha caafimaad darro ee ka dhasha hawada wasakhowda, laakiin aanay ogeyn in sawaxanka iyo guuxa badan ee ka jira magaalooyinku uu leeyahay dhibaato la mid ah taas wasakhowga hawada.

Cilmibaadhistani waxa ay sheegtay in sawaxanka badan iyo guuxa xad dhaafka ah ee magaalooyinka waaweyn ka jiraa uu keeno in dadka meelaha u dhow deggen ay hurdadu ka xumaato isla markaana ay maskaxdu weydo waqtiyo ay nasato oo aanay waxba soo dhex-gelin, taasina ay ku keento buuq iyo hurdada iyo nasashada oo ay tabto, aakhirkana waxaa ka dhasha wadne xanuun iyo dhiig kar.

Sannadkii 1974kii ayaa laanta daryeelka deegaanka ee dalka Maraykanku ay soo saartay dardaaran ay ku sheegtay in sawaxanka iyo buuqa uu qofku maalintii maqli karaa aanu 24 kii saac celcelis ahaan ka badan 55 Decibel (waxaa loo soo gaabiyaa dB waana halbeegga lagu cabbiro heerka dhawaqa), laakiin tirokoob dalka Maraykanka laga sameeyey sannadkii 2013ka ayaa lagu ogaaday in boqolkiiba 46 dadka Maraykan uu maalintii maskaxdooda galo dhawaq heerkiisa dalacnaantu yahay ugu yaraan 58 dB, halka dad gaadhaya boqolkiiba 14 na ay la kulmaan maalintii dhawaq ugu yaraan ah 65 dB. Ugu dambayntii khubaradu waxa ay sheegeen in khatarta ah in dadka ay ku dhacaan Dhiigkar iyo xanuunnada xididdada dhiiggu ay boqolkiiba 17 kor u kacdo mar kasta oo codka iyo sawaxanka baxaya uu ku kordho halbeegga ah 10 dB. 

Daraasaddani waxa ay iftiiminaysaa sababta magaalooyina waaweyn ay ugu badanayaan cudurrada ku dhaca xididdada dhiigga, wadnaha iyo dhiig karu in ay ka mid tahay sawaxanka iyo buuqa ku sii badanaya magaalooyinka oo ay dadku aad isugu yimaaddaan, isla markaana gaadiidka, warshadaha, diyaaradaha, talefannada gacanta, muusigga iyo wax yaabaha kale ee guuxa iyo sawaxanka keenaa ku soo badanayaan.