Filimka Cusub Ee ‘No Escape’ Waxa Uu Ka Turjumayaa Cabsida Argagaxiso Ee Ay Qabaan Dadka Maraykan

0
778

Picture9Washington (Geeska)- Markii ugu horreysay ee la qorayey qisada filimkan waxa uu magaciisu ahaa The Coup “Afgembigii” waxa uu ka waramayaa qoys Maraykan ah oo xilli ay dalxiis ku joogeen mid ka mid ah dalalka Bariga Eeshiya si kedis ah uu afgembi Milateri uga dhacay dalkii ay joogeen. Laakiin argagaxisada dunida maanta ku sii badanaysa ayaa markii dambe qasab ka dhigtay in magaca filimka laga beddelo Afgembigii.  Duruufta ay qoyskani la kulmayaan (Filimka dhexdiisa) oo ay ka mid tahay argagaxiso dilaysa cid kasta oo shisheeye ah oo dalka joogta ayaa qasab ka dhigtay in magaca filimka loo beddelo “No Scape” oo aynu ku macnayn karno “Meel loo firdhadaa ma jirto” taas oo looga dan leeyahay sida ay lama huraan u tahay in la waajaho argagaxisada cid walba ku xeeran ee dadkii Maraykan meel kasta oo ay joogaan cabsida ku haysa.

Filimkan oo qaybo yar oo qisadiisa iyo qaybo yar oo horudhac ahi uun illaa hadda ka soo baxeen waxaa soo saaristiisa iska kaashada John Erick Dowdle oo qoraalka filimka ay iska kaashadeen walaalkii Drew Dowdle. In kasta oo uu filimkani mallow-awaalayo qisada Afgembi Milateri oo ka dhacaya mid ka mid ah dalalka Eeshiya, kadibna xaaladda ka dhalatay ay khatar ku noqonayso masiirka qoys Maraykan ah oo dalka ku noolaa, haddana John Erick Dowdle waxa uu ku guulaystay in wasaaradda dalxiiska ee Thailand uu ku qanciyo in filimka dalkeeda lagu jilo.

Qisada filimku waa Jack Dwyer oo ah ganacsade Maraykan ah oo go’aansanaya in isaga iyo qoyskiisu ay xilliga fasaxa ku soo qaataan mid ka mid ah dalalka Eeshiya, oo ay guri hore uga iibsadeen. Jilaaga filimada Maraykanka caanka ku ah Owen Wilson oo isagu shakhsiyaddan metelayaa ayaa isaga iyo qoyskiisu ay ku xannibmayaan dalkan ay dalxiisa ku tageen oo uu ka dhacayo afgemi milateri oo aan si buuxda u guulaysan, dalkana u horseeday fawdo.

Qoyskan iyo dadkii kale ee shisheeyaha ahaa ee dalkan ku noolaa ayaa fawdada dhacday awgeed waxa ay bartilmaameed u noqonayaan dhinacyo colaad ba’ani ka dhex qarxayso oo isku haya talada dalka, waxaana shisheeyaha lala beegsanaya falal argagaxiso oo noloshooda khatar ku ah.

Filimkan oo bishan aynu ku jirno ee august si rasmi ah loo baahiyey, waxa uu sawirayaa nolosha argagaxa iyo silica leh ee uu isu beddelay dalxiiskii qoyskani ku tegey dalkan, qisaska naxdinta leh ee dhacayana waxaa ka mid ah dhowr jeer oo si aad u argagax iyo cabsi badan qoyskan berida ah loo beegsanayo, iyo qoyska oo sabab uun aakhirka u noqonaya bartilmaameed cid kastaa ugaadhsanayso. Waa filim xambaarsan aragti caddaynaysa heerka amni darro ee dadka Maraykan ay dareemayaan dunida oo dhan meel kasta oo ay joogaan iyo sida ay u noqdeen dad dhinacyo kala duwani beegsanayaan.

Marka aynu soo koobno filimka ‘No Escape’ waxa uu caddaynaya in argagaxisadu ay dunida oo dhan khatar ku hayso, xitaa dalalka hore loo aaminsanaa in ay yihiin kuwa dunida ugu xasiloon oo ah dalalka qaaradda Eeshiya, waxa kale oo uu si cad uga turjumayaa dareenka ku beeran ruuxa Maraykan ee ah in aanay noloshiisu meelnaba ku aamin ahayn iyo in isaga iyo dalkiisa ay is huran yihiin in ay is-waajahaan waxa ay reer galbeedku argagaxisada u yaqaannaan.