Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Wuu Guday Abaalkii

0
679

Bas fuul, sharci baad ugu dhex tagaysaa, waxa aadna hubanti ahaan gashay qandaraas kugu waajibinaya in aad bixiso lacag. Haddii aad ka degto baska adiga oo aan lacag bixin, waa gacanta shariciga ee dheer ta lagugu halaynayo in ay ku daba gasho. haddiiba basku shil galo, sharciga ayay tahay in uu go’aan ka gaadho cidda ka masuul ah wixii dhacay. shaqadaada, gurigaaga, xidhiidhadaada, noloshaada  iyo geeridaada iyo waxkasta- waxa maareeya, xakamaeeya oo jiheeya sharci. Nidaamka sharci isaga ayaa udub dhexaad u ah nolosha bulshada, ilaaliya xuquuqda, cid saara waajibaad, abuurana qaab hawleedkii lagu fulin lahaa  hawlaha dhaqan, dhaqaale, bulsho iyo kuwa siyaasadeed. Ciqaabista dambiilayaasha, magdhawsiinta kuwii waxyeelo soo gaadhay, iyo dhaqan galinta heshiisyadu waa inyar oo ka mid ah shaqada nidaamka garsoor ee casriga ahi qabto. Ilaalinta xorriyadda, xuquuqda qofeed, saraynta sharciga iyo kuwa kale ee la mid ka ah ayaa labeen u ah sharciga. Marka dibadda laga taaganyahay, qofka caadiga ahi waxa uu arkaa, sida badan, sharcigu in uu yahay mid kakan oo farsamo kaasoo inta badan adeegsada erayo qadiim ah iyo eray bixino macnahooda la buunbuuniyay. Marka la fiiriyo ‘common law’ gana, garyaqaanadu inta badan waxa ay adeegsadaan aragtida ‘maxaa jiri jiray(precedent)’ taasoo ay inta badan uga tis-qaadaan wax jira iyaga oo mararka qaarna kaba magansanaya hal abuurka iyo kartida cusub ee xaaladaha iyo dunida  is badalaysaa u baahanyihiin in lagu waajaho.  Noloshu ma aha mid meel qudha iska taagan marka la fiiriyo dunida isu furantay, horumarada dhakhsaha ah ee laga samaynayo tignoolojiyada iyo is gaarsiinta, isbadalada cimilada iyo taxadiyada amni ee heer gobol iyo caalamiba ee xilligan  oo ah qaar aad uga duwan wixii jiri jiray. Nolosha iyo waayaha ayaa sees u ah sharciga, hadii aanay nolasha iyo waayaheedu sidaa u taagnayn, sharciga hagaya noloshaas wixii laga fishaa waa inuu ka jawaabo isbadaladaa iyo waliba xattaa in uu saadaaliyo isbadaladaas. Sidaa daraadeed, fahamka dhinacyada bulsho, siyaasadeed, anshax iyo kuwa dhaqaale ee ku xeeran sharciga ayaa udub dhexad iyo sees u ah tafsiirka sharciga iyo dhaqangalintiisa.  Wakhti uu  fahamkaasi kaga haboonaana ma jirin marka la fiiriyo xaaladaha isbedal ee gobolka ka jira iyo halka Somaliland maanta marayso. Dastuurka iyo shuruucda kale ee dalku toona waxba kama duwana shaqallo iyo shibanayaal meel lagu uruurshay uun marka laga siibo ruuxda iyo ujeedada. Marka loo eegi waayo xaaladda iyo marka ay la kori waayaan isbadalada dhacaya ama dhacay. Halista ugu waynina waxa ay dhacdaa marka lakala furo sharciga iyo ujeedada ama xaaladda ku gedaaman xilligaa sharciga la dhaqan galinayo.  Tusaale ahaan, heshiiskii axsaabta siyaasadu muxuu ku salaysnaa? Maxaa xaq u siiyay in sadex nin is faham ka gaadhi karaan xaqqa muwaadinka ee goorta uu codaynayo? Qodobadan guurtidu  isku xaqsinaysaa ma qaar aan shuruudi ku xirnaynbaa? Xaqa iyo xaq darrada malaga madax bannaanayn karaa cawaaqibta ka dhalan karta? Hadii xaqa qof ama koox kooban oo dad ahi leedahay uu xad gudub ku yahay xuquuqda inta badan bulshada, labada xaq kee la horumarinayaa?  Maxay tahay sababta sharcigu u carabaabi wayaay mudada ugu yar ee la kordhin karo muddo xileedka madaxda qaranka iyo mudada ugu badanba?

Waa su aashaa u dambaysa halka sirtu ku jirtaa. Waana fahamka arrintan ta ay ahayd in Maxkamadda Sare ku salayso ‘tafsiirka’ ay sheegatay in ay ku samaysay qodabda laysku hayay iyo  xukunka ay ridday ee ku saabsanaa xilliga ay tahay in doorashada la qabto. Maanta muran badani kama taagna cidda leh eedda dibu dhaca doorashada, waana xukumadda oo way u cadahay dadka kala fahamsan awoodaha lamaha dawladda ee kala duwani kala leeyihiin marka la fiiriyo waxa qabyada ah. Waxayse ahayd xataa hadii laga xishoonayo in farta lagu fiiqo cidda eedda leh, in mara-saar ahaan loogu kordhiyo mudada uguyar ee lagu qabyo tiri karo wixii kas iyo maan loo qabyeeyey; uguna saamaynta yar marka la fiiriyo geedisocodka siyaasadeed iyo himilada dalkan iyo dadkan. Maxkamadda sare fahamka laga rajaynayay in ay tafsiirkeeda ku salaysaa waxa uu ahaa in aan kordhinta iyo xaqqa guurtidu toona ka madaxbanaan karin xaaladda iyo cawaaqibta ka dhalan karta:  cawaaqibta siyaasadeed, ta himilo iyo kuwa dhaqaale ee dalka iyo dadku kala kulmayo akhrinta iyo dhaqangalinta xarfaha sharciga. Durtaba waa muuqataa dhaawaca soo gaadhay Somaliland iyo himiladii dadkan waanay ka garaabeen horjoogayaashii siyaasaddu markii ay maxkamadda horteeda kaga halaanhalayeen in dhakhso looga hawl galo sidii loo yarayn lahaa saamaynta go aankani leeyahay?! Marka la fiiriyo go aankii kan ka horeeey, sina xidhiidhka ula lahaa arrinta mudda kordhinta, sidii aanay maxkamadda sare isugu koobin kaliya jawaabta su aashii la waydiiyay ee ahayd xaq  ma u leeyihiin axsaabta qaranku inay qabsadaan shir qaran? ee ay  jawaabteedii ugu sii ladhay amarkii ahaa in heshiis laga gaaro arrinta muranku salka ku hayo;  waxa la filayay in aanay imikana sidii arday fasal dugsi hoose ah u odhan waxaanu   ka jawaabnay kaliya su aashii macalinku (madaxweynuhu) nasoo waydiiyaye balse ay u eegaan arinta muranku salka ku hayo ee ahayd in aan guurtidu fahmin in aan sharciga iyo cawaaqibta ka dhalan karta lakala madax bannaanayn karin. Waxa ay filayeen dadku in la  iftiimayo in aan dastuurku ahayn xeerar iyo amarro meel lagu uruuriyay ee uu yahay wax nool oo la kora wakhtiga (organic). Waxa ay dadku ka filayeen guddoonka cusub ee maxkamadda sare in uu ruuxdii ku soo celiyo sharciga, in uu la yimaaddo hal abuur sharci  iyo in uu qaato go aan looga dhinbiil qaato go aanada dambe ee sharci ( sida comon law gu yahay). 

Su’aasha dadku is waydiinayaan ayaa hadaba ah haddii aan gudoomiyuhu sharciga u hiilin, aanu xaqqii malaayiin qof u lahaayeen doorashada cidda u talinaysa u hiilin,  aanu Somaliland iyo qaranimadeedii  wixii ay ku taabbo gali lahayd u hiilin, aanu xattaa naftiisa iyo sidii uu magaciisu ku waari lahaa u hiilin,  yuu u hiiliyay?  su’aashaa jawaabteeda wakhtigaa cadayn, waxaanse qof ahaan hubaa in aanu ugu yaraan gudoomiyuhu qaniinin gacantii dhigatay meesha iyo in aanu lumin abaalkii!  Waxa aan u arkaa qof lagu gaaray u jeedo guracan oo dad gaarahi wateen; indhahaygana wax badan ugama duwana kaadh laga xoqday oo lagu tuuray halka xashiiska lagu uruuriyo.

Habeenkii isugu kaaya dambaysay guddoomiyaha oo ku sinnayd markii la magacaabay waxaan ku idhi dadka Ilaahay kaga baqo.

Cabdinasir Ibrahim Ismail (saacadaale) is a researcher with FCTR and a lecturer in Public Policy and Strategic management.