Qul-qulatadii Jaamacadda Hargaysa

0
677

Iska hor-imaadkii dhawaan gil-gilay JH waa astaan (protatype) muujinaysa naxliga huursan ee jaamacadeheena. Waa mid ka mid ah guul darooyinka la koray askumadda (organizations) qarankeenu ku taagan yahay; waxay soo dhawaynaysaa muuqaalka fog –halka dawladnimadeenu geediga ku tahay; waa hordhac ku aslan waayaha nolosha. Nasiib wanaagse, waxaynu ka mid nahay xayndaabka aadamiga oo qaabayn kara sida uu u noolaanayo.

Inta aynaan saafin eelka aynu eegno qayb ka mid ah taariikhda dhow ee jaamacadda. Tan iyo 2010 hogaanka Jaamacadda waxaa iska bedelay shan maamul. Jaamacaddu waxay ugu toolmoonayd xiligii uu gudoomiyaha ahaa Dr. Bulxan, ku xigeenkana uu ka ahaa Mubaarik Aar. Waa xiligii ay JH bilowday in ay lugaha isku taagto. Maalin ayaa maamulka JH xidhay arday dhibaatooyin gaystay, hadana waxay ku war heleen ardaygii oo fasalkiisii fadhiya. Taasi waxay keentay in ismaandhaaf dhex maro Dr. Bulxan iyo wasiirad Samsam, ugu danbayntiina uu is casilo. Alla haw naxariistee Muuse Cabdi muu sii waarin. Xiliyadaas waxaa Jamacadda si ku meel gaadh ah u hogaamiyay Dr. A/rah Hawd oo Bare sare ka ahaa Jaamacad Maraykan ah, xadhiga looma sii dayn, wuu sibiq dhaqaaqay. Ugu danbayntii waa la xayaysiiyay; dib baa loo xayaysiiyay waxay u ekayd in la helay astaamihii ciddii la doonayay Dr. Gaas. Mudo yar ka dib waxaa soo baxday in gudoomiyaha cusub iyo maamulka sare ee wax barashaddu isku dhaceen. Arinta kale ee muhiimka u muuqatay waxay ahayd in jaamacadihii bulshaddu lahayd laga door biday kuwo gaar loo leeyahay.

Maxay salka ku haysaa iska hor imaadkani? Xalse mala gaadhi karaa? afar qodob ayaan ku soo uruurinayaa qotada dhibaatada: lahaanshaha, taariikhda bilowgii askunka, doorkii aqoonyahanka, iyo ardaydii hungowday. Kolay waxaa iga eegayseen in aan eeda cid saaro, sida runtu tahay cidi way leedahay, waxaase la yidhi, laba biyo hoostood iska haraatiyay iyagaa is og, si aynu qof farta ugu fiiqno waa in aynu baadhitaan samaynaa. Sida aynu ka war qabno arintan imika soo shaac baxday waxay socotay laba sano. Waxay ahayd in gudida jaamacaddu xal waara gaadho. Markay gudidii dhaaftay muddo sanad laga joogo waxay u gudubtay madaxtooyaddii, madaxdii jaamacadda qaar ka mid ah baa is casilay, halkii lagama qaadin. Markaa eedda waxaa leh gudida jaamacadda iyo ciddii madaxtooyaddu u igmatay in ay xal gaadho. Magacaabista cusubina ma aha mid xal keeni karta.

Ta labaad muranka iyo astaamaha aynu inta badan aragnaa waa calaamaddo (symptoms), eel (underlying causes) baa jira sababaya qulqulatooyinka. Kuwaasina waa afarta qodob ee aan halkan ku soo uruuriyay aynu mid-mid u eegno.  

Lahaanshaha: meelo badan oo dunida ka mid ah waxaa mad-madow galay cidda leh xarumaha wax barashada sare, inaguna kama duwanin. Lahaanshuhu wuxuu jideeyaa ujeedada aas-aaska (establishment) iyo cidda guranaysa faa’iidada. Jaamacadeheena waxaa lagu magacaabaa in ay yihiin kuwo bulshaddu leedahay. Hadday sidaas tahay waa in bulshaddu heshaa faa’iidada, waxaa markhaati ka noqda la xisaabtanka iyo maamul wanaagaaga, wuxuu yidhi “cirid aan arko ilko kama soo jeedaan.” Jaamacadeheena waxa leh, kuwan yidhaahda, gudi baanu nahay.

Taariikhda bilowgii askunka: waxaynu ku maahmaahnaa -wadaanta isha ka qaloocatay faylka ayay la tagtaa- sidii lagu unkay jaamacadeheenu may cilmiyaysnayn. Xikmadda ugu wayn ee hagaysay waxay ahayd –aynu jaamacad samaysano.

Doorkii aqoonyahanka: Somaliland meel bay goblan ka tahay waa adeegsiga aqoonta casriga oo inta badan hagta waxa aynu u bixinay askumadda (organizations.) Shaki kuma jiro in aqoontu ku aslan tahay soo jireenkeena –indheer garad. Taariikhiyan aqoontu waxay ka soo bidhiiqday hanaankii bulshooyinku u noolaayeen oo aanay ka madhnayn tilmaantii eebe. Waxaynu haab- haabanay in aynu dhisano tiirarka qaranimaddu ku taagan tahay oo jaamacaduhu horseedka yihiin, laakiin waynu ambanay. Inta badan waan sheegaaye, dhibaatadu waa labaynta –duality.  Aqoonyahanku wuxuu u dhexeeyaa laba, wixii uu bartay iyo hanaanka aynu kusoo caanomaalay ee qabiilka. Aqoonyahanku waa ka aqoontu hagto ee daba socda; ma aha ka aqoonta haga. Tusaale ahaan, tooshku waa aalad wax inoo ifisa; waa halkii aqoonta, haddi qofku tooshka iska danbaysiiyo dee waa ujeedo la’aan. Haddii aqoonyahan jiri lahaa kuwa sare waa la sixi lahaa. Jaamacadeheenu waxay waayeen kooxo wada hawl gala oo ku hubaysan aqoonta.

Ardaydii hungowday: aqoontu waa xikmad (philosophy); waxay aad u korisaa awooda garashadda aadamiga. Jaamacaduhu waa hooyadda aqoonta, qofka ay soo saaraana waa in uu higsaddo doonis fog oo nolosha qaabaysa; kana dheerayn karta waayaha sirgacan ee nolosha. Nasiib daro, markii qodobadda kor ku qorani dhaboobeen ardaydii way hungoobeen, waana caqliyadda keentay in ay burburiyaan hanti badan. Aqoonta runta ahi waxay bari lahayd si kale oo lagu raadsaddo waxa ay tebayaan!  Tayadda waxbarashadda jaamacadeheenu aad bay u hoosaysaa, waxaanay dhalisay hungo ardaygii ka lumisay kalsooniddii.

Qodobadda aan kor ku xusay waxaa ka dhexeeya xadhig isku xidha, waa wer-werka umadda ka haysta shaqaynta (lack of job security.)

   Maanta haddii Jaamacaddii wadanka ugu waynayd ee caasimadda ku taalay hanqaarantay kuwa kalena aanay ka itaal roonayn maxaa xal ah? Jawaabtu way cadahay:

 in dawladdu si buuxda ula wareegto xal u helidda duruufahan

in amar madaxwayne ama ku xigeen lagu kala diro dhamaanba gudiyadda sheegta in ay dusha ka xukumaan jaamacadaha oo ta Hargaysi ugu horayso

waa in dib loogu noqdo xeerarka ay ku dhisan yihiin jaamacaduhu

ugu danbayntana in la dhiso maamul aqoon u leh hanaanka loo maamulo akadamiyadda

in lagu sunto hanaanka ay raacayaan jaamacaduhu maamul wanaaga iyo fur’furnaan

in dawladdu maalgeliso jaamacad umadda ka dhexaysa oo cilmiga iyo hore u marka lagu derso

 

Waxa qoray: Yousuf Godir Mohammed