Meelo Dunida Ka Mid Ah Oo Ay Mamnuuc Tahay In Booqasho Ama Dalxiis Lagu Tago Iyo Sababta (Q: 3aad)

0
535

Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii saddexaad ee qormada uu Geeska Afrika Afsoomaaliga u soo rogay ee soo bandhigaysay meelo ka mid ah goobaha dunida ku yaalla ee aan aadamaha dibadda kaga yimid loo ogolayn in ay galaan:

6. Dhabbaha tareennada ee dhulka hoostiisa mara ee loo yaqaanno Metro 2:

Dhabbaha tareennada ee Metro 2 oo mara dhulka hoostiisa magaalada Moscow ee xarunta dalka Ruushka waxaa si gaar ah loogu sameeyey in arrimaha sirta ah loo adeegsado, tusaale ahaan in ay maraan masuuliyiinta sare ee xukuumaddu. Dhabbahan tareenka waxaa la dhisay xilligii uu dalka Ruushka hoggaaminayey Joseph Stalin (1879-1953), sirdoonka Midowga Soofiyati oo isticmaali jiray ayaana u yaqaannay magaca ah The Six.

Burburkii Midowga Soofiyati kadib waxaa imika la aaminsan yahay in wasaaradda ee Ruushku ay dhabbahaas maamusho, laakiin illaa hadda ma jirto cid ka baxsan masuuliyiinta ugu sarraysa ee dawladihii kala dambeeyey ee Ruushka iyo sirdoonka oo martay ama aragtayba gudaha dhabbahaas tareenka ee Metro 2, cidna looma ogola. Wax sawir ahna lagama haysto sida ay uu gudaha dhabbahaasi u eeg yahay, marka laga tago khariirad malo-awaal ah oo ay sirdoonka Maraykanka CIA ka sameeyeen sida ay la tahay in uu u eeg yahay iyo sida loo maro midna.

Khariiraddan sirdoonka Maraykanku sameeyey waxa ay tilmaamaysa in dhabbahani uu laban-laab ka badan yahay dhererka dhabbaha kale ee tareenka dhulka hoostiisa mara ee Metro Moscow oo ah kan aasaasiga ah ee magaalada oo ka kooban afar khad, iskuna xidha aqallada Kremlin oo ah qasriga dalka looga taliyo, xarunta Federaalka iyo garoonka diyaaradaha ee Fonokovo oo u gaar ah ganacsataa waaweyn iyo dhowr meelood oo kale oo ay sirdoonku ka shaqeeyaan.

7. Jasiiradda Masaska:

Dalka Brazil waxaa ku taalla Jasiirad caan ku ah naanaysta ah Kasiiradda Masaska, waa goobta dunida oo dhan masaska ugu badan ee kuwa dad dilka ahi ku nool yihiin. Khubaradu waxa ay tirada masaska jasiiraddan ku nool ku qiyaasayaan inay ka badan yihiin 4000 oo mas oo ku wada nool masaafad aan ka badnayn 110 Higtaar oo u dhiganta Hal Kilomitir iyo 100 mitir.

Warbixinaha qaarna waxa ay sheegayaan in halkii mitir ee afar jibbaaran ee kasta ee jasiiraddan yar ka mid ah uu ku nool yahay. Dadka deegaan ahaan dhulkaas u dhashay ayaa aad uga fogaada degista iyo tegista jasiiradda, khatarta ay tahay awgeed, laakiin mararka qaar waxaa taga khubaro iyo cilmibaadhayaal u socda in ay daraasado ku sameeyaan noocyada kala duwan ee masaska.