Googooska Maanta Iyo Mid Kale Oo Ka Mid Ah Qisaskii Juxa Ee Maadda Iyo Murtida Badan

0
598

Hargeysa (Geeska)- Maalin maalmaha ka mid ah ayaa xaaskii Juxa ay safar ku tagtay meel ka baxsan magaalada ay yaalleen si ay u soo booqato qoyskeeda oo muddo ugu dambaysay, maalmana guriga qoyska ku soo qaadato. Juxa waxaa lagu xaman jiray fulaynimo, sidaa awgeed ma’ uu jeclayn in xaasku ay guriga ku cidlayso oo kelidii uu ku noolaado, laakiin markan duruuf ayaa badday oo isaga iyo gurigii oo aanay cid kale joogin ayaa la isu banneeyey.

Maalintii oo dhan waxa uu ka warwarsanaa waxa uu xaal noqon doono gabbal dhaca kadib, inta uu guriga ka baxay ayaa uu meel ka yara durugsan oo laga arki karo isku soo qariyey, bal si uu u hubiyo in cidi ay hungurayso gurigan xidhan.

Nasiib darro tuug ayaa isna ogaaday safarka xaaska Juxa oo go’aan ku gaadhay in ninkaa fulayga ah gurigiisa uu caawa soo baadho, markii uu xaqiiqsaday in uu Juxa seexday ayaanu si bilaa sanqadh ah ugu soo dhacay gurigii. Juxa Indho isuma keeninba oo waa uu sugayey in tan darani dhici doonto. Markii uu sanqadha tuugga maqlayba inta uu kacay ayaa uu ku dhex dhacay sanduuq weyn oo guriga u yaallay oo uu fiidkii sii diyaarsaday, waana uu isku soo daboolay.

Tuuggii guriga ayaa uu baadhay, meel kasta waa uu eegay, laakiin wax qiimo leh oo uu xado ayaa uu ka waayey, goor uu quus taagan yahay, una haysto in gurigu uu cidla’aan yahay oo kalsooni uu ku baadhanayo, ayaa waxa uu isha ku dhuftay sanduuqii odaygu ku dhex jiray, dhinaciisa ayaanu u soo dhaqaaqay.

Tuuggii waxaa amakaag iyo naxdin ku noqotay markii uu sanduuqii furay ee uu odaygii Juxa ahaa oo uu garanayaa uu kaga soo booday. Ma’ uu ordin ee isaga oo yaabban ayaa uu Juxa weydiiyey sababta uu sanduuqan u galay. Juxa waxa uu ugu jawaabay, “Markii aad guriga soo gashay, ayaa aan xasuustay in haba yaraato ee wax la qaato oo qiimo lihi aanu oollin si aad u xaddo, kadib inta aan faro-madhnaantaydii kaala khajilay aya aan sanduuqan ku dhacay si aanad ii arag”