Talooyin Fiican Iyo Xeelado Kaa Caawinaya In Aad Si Wanaagsan Habeenkii U Seexato

0
912

Hargeysa (Geeska) Cimilad xumaanaysa, caafimaad darrada, cidhiidhiga guuxa iyo sawaxanka magaalooyinka, nooca shaqooyinka casriga ah iyo aaladaha lagu isticmaalayo guryaha, xafiisyada iyo goob kasta ayaa sabab u ah hurdo la’aan dunida oo dhan ku baahday. Qormadan waxa uu Geeska Afrika oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska Daily Telegraph eek a soo baxa dalka Ingiriisku waxa ay soo bandhigaysaa dhowr ka mid ah talooyinka ay khubarada caafimaadku siiyaan ruuxa hurdo la’aanta ama hurdo xumada ka cabanaya.

– Ha ka warwarin saacadaha yare e aad seexatay, maskaxdaadana ha ku mashquulin, khatarta ka iman karta haddii aanad mustaqbalka hurdo fiican helin, waayo taasi waxa ay sii kordhisaa soo jeedka habeenkii, waxa aanay ka hortagtaa hurdada. Marka aad sii seexanayso ka fikir saacaddaa aad joogto in aad seexanayso oo ha eegin inta aad sii hurdi doonto, taasi waxa ay kaa caawin doontaa in aad hurdo tayo leh oo fiican seexato. Marka aad seexato maskaxdaada saafi ka dhig, kuna mashquuli waxyaabo hurdada aan kaa fogeynayn, sida in aad bustaha ama furaasha cagahaaga ku salaaxda, iyo in aad neefsigaaga dhegeysato.

– Noloshaada qaado: In aad ka cabsato hurdada oo kugu yaraata, ama maskaxda ku mashquuliso ka fikirka saacadaha hurdada waxa ay keentaa in ay nolosha kale ee caadiga ah ka baqato, sida in aanay cawayska jeclaan, in aanay bulshada dhexgelin in aanay habeenkii wax shaqo ah qabsan. Faa’idada keliya ee arrintan ku jirtaa waa in qofka ay hurdadu ka khalkhasho. Waxa maskaxdaada hawl ku jirta si deggen oo kala habaysan u qabso, ogowna oo maskaxda oo la seexiyo iyada oo aaminsan in ay waajib gudatay ayaa ka raaxo badan in ay seexato iyada oo ka warwar qabta hawlo u yaalla.

-Ku dadaal in qolkaaga hurdada aanad u isticmaalin wax aan hurdo ahayn ha noqdo qol xasiloon, ilaysku ku yar yahay, si qurux badan u nidaamsan/ habaysan, heer-kulkiisuna qabow xigo, waayo qabowgu waxa uu jidhka ka caawiyaa in uu soo saaro hormoonka hurdada ee Melatonin

– Waqti sugan: In aad habeenkii saacad go’an seexato, subaxdiina saacad go’an soo kacdaa waxa ay caawisaa in jidhku uu helo hurdo dabiici ah oo aanay waxba ku qasbin si dabiici ahna u tooso, oo uu yeesho jadwal hurdo.

– In aad biyo diirran ku sii maydhato hurdada ka hor iyo in aad dhegeysato Raadyow codku gaaban yahay ayaa si fiican hurdada kaaga caainaya, laakiin iska jir daawashada Talefishanka iyo talefannada casriga ah oo hurdada ka kaxeeya qofka.

– Barkimo fiican dooro, kuna dadaal in lixdii bilood ba mar aad beddesho barkimada haddii aanay ahayn ta ka samaysan baalka oo iyada la isticmaali karo illaa 2 sano.

– Haddii aad tahay dadka dhinaca u seexda ku dadaal in aad labadaada cagood barkimo yar dhexgeliso, waxa ay culayska ka yaraynaysaa dhabarka qaybtiisa hoose.

– Ha u daymo la’aan in aad cunto cuntooyinka caawiya hurdada, oo ah kuwa jidhka u sahla in uu soo daayo hormoonka Melatonin oo badan, sida Caano diirran, Malabka saafiga ah, Lawska, boorashka iyo muuska. Iska ilaali in aad seexato caloosha oo ku madhan, sidoo kale dharag ha ku seexan oo goor hore oo galabnimo ah cashadaada cun.