Biyo Yaraan Baaxad Leh Oo Ka Taagan Caasimadda Hargeysa Iyo Walaaca Bulshada

0
512

Picture7Hargeysa(Geeska)-Biyo yaraan aad u baahsan ayaa laga dareemayaa Magaalada Hargeysa, oo ah Magaalo madaxda Somaliland, waxaana xusid mudan in iyada oo markii hore biyuhu aad aad u yaraanayeen, oo inta badan Xaafadaha ama Degmooyinka sida caadiga ah u helaa ay heli jireen  Labadii habeenba habeen, halka Degmooyinka qaarna ka heli jireen afartii habeen habeen, ay xaaladu sidaas hadda iska badashay, oo xittaa Degmooyinkii Biyaha heli jiray aanay si caadiya u helin. Waxaanay taasi  keentay in qiimihii Biyuhu ay sare ku caan oo qiimaha Foostada Biyaha ah oo markii hore la siin jiray Toban ilaa iyo Saddex iyo Toban kun in imika la siinayo ilaa Labataan kun oo lacagta Somaliland ah.

Ma jiro wax war ah oo ay wakaaladda biyuhu ka soo saartay biyo yaraantan ku habsatay caasimadda Hargeysa, iyadoo maareeyaha wakaaladda biyuhu safar ku joogo wadanka Ingiriiska. Sidoo kalena xukuumadda Somaliland kama hadal biyo yaraanta caasimadda soo food saartay.

Hase yeeshe qiimaha sare ku kacay iyo biyo yaraanta baahsan ee Caasimadda ayaa waxa uu sameeyn xoogan ku yeeshay guud ahaan Bulsho weynta ku dhaqan Caasimadda gaar ahaan dadka danyarta ah oo iyagu aan awoodin isla markaana ay aad u adag tahay inay iska bixiyaan qiimaha Biyaha qaaliga ah. Wakhtiyada dambe ee habeenkii ayaa magaalada lagu arkayaa dadweyne badan oo aroor ah kuwaas oo ku qulqulaya qasabadaha magaalada oo ay ka naawilayaan inay biyo ka helaan, waxase badankoodu ay waaberiga ka tagaan iyagoon goror biyo ah u helin xaafadahoodii ay ka yimaadeen saacado badan ka hor.

Dhanka kale mashruucii biyo balaadhinta Hargeysa ayaan weli guulaysan iyadoon si rasmi ah oogayn sababta uu u dabranyahay.

Si kastaba ha ahaate Hargeysa ayaa ah magaalo ay siyaasiyiinta qabanaysa hoggaanka Somaliland ku galaan ololaha doorashooyinka iyagoo dadka ku beerlaxawsada  inay biyo wanaagsan u samayn doonaan, taas oo aanu jirin maamul keliya oo ilaa hadda hirgeliyay.

Diyaariye: Samiir Muuse Cismaan