Cali Khaliif Oo Ka Sheekeeyay Sidii Uu Uga Badbaaday Weerarkii Lagu Qarxiyay Hoteel Jazeera

0
492

Picture6Hargeysa(Geeska/Dailynation)-Siyaasiga Cali Khaliif Galaydh ee hoggaamiya kooxda nabad diidka ah ee Khaatumo, ayaa sheegay inuu dirqi kaga badbaaday weerarkii dhawaan ka dhacay hotel Jazeera ee Muqdisho ee baabuurka isqarxinta ah lagu weeraray.

Cali Khaliif oo waraysi siiyay Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa magaaladda Nairobi ee Kenya wuxuu tilmaamay inuu Alle ka badbaadiyay weerarkaas is qarxinta ah waxaanu sheegay in weerarku burburbiyay talaagad yar oo qolkiisa u taalay oo uu daawooyinka ku keydsado, “Waxaan ahay nin aad u nasiib badan. Waxaanan malaha leeyahay sagaal nafood, waxaanan ka badbaaday sagaal qarax.” Ayuu yidhi Mr. Galaydh oo ah 74 jir, isagoo intaas raaciyay, in qaraxu sababay inay burburaan gidaarada hoteelkii uu degenaa, “Waxaan ku dhacay dhulka, waxaanan is arkay mid ka mid ah dhagaxaantii gidaarka oo ku dhacay lugtayda iyo laabtayda, dhiig ayaan ka yimid xusulkayga midig iyo gacantayda bidix. Waxaan ogaadya inaanu wax sidaas khatar u sii ah, sababtoo ah wax laf ahi ima jabin.” Wuxuu Mr. Galaydh sheegay in markii uu banaanka hoteelka u baxay uu ogaaday culayska uu lahaa qaraxa dhacay, isagoo xusay in qasaaraha u weyni gaadhay dadkii dariiqyada marayay.

Mr. Galaydh, ayaa sannadkii 2013 wuxuu ka badbaaday weerarkii lagu qaaday xarunta Ganacsi ee Westgate oo uu wakhtigaas ku sugnaa, isagoo ku  dhuuntay miis hoosta ka galay.