Maxkamadda Ciidamada Oo Dil Ku Xukuntay Askarigii Dilay Marxuum Cabdi Naano

0
582

Picture5Hargeysa(Geeska)-Maxakamadda ciidamada qalabka sida ee Somaliland oo 29-July-2015- u fadhiisatay dacwad dil ah ayaa shalay waxay soo saartay xukun dil ah oo lagu riday nin ka tirsanaa Ciidanka booliska balse lagu helay inuu dil badheedh ah u gaystay Marxuum Cabdi Nano oo dhawaan lagu dilay magaalada Hargeysa.

Xukunka Maxakamada ka soo baxay ayaa lagu yidhi “Maxakamaddu markay aragtay Qodobka 195 ee xeerka ciqaabta ciidamada xilliga nabadda iyo xeerka ciqaabta guud, waxay xukuntay Rafcaanle Cabdillaahi Cabdi Cilmi oo 55 Sanno jir ah, magaca hooyadiina la yidhaahdo Faadumo Axmed, waxaanay ku xukuntay dil toogasho ah, kadib markii ay ku caddaatay inuu dil ula kac ah ku dilay  Marxuumka Magaciisa la odhan jiray Cabdi Cismaan Cali(Cabdi Nano), taariikhdu markay  ahayd 02-June-2015."

Dilka Marxuum Cabdi Nano ayaa ka dambeeyay Muran dhul oo ka dhacay degaanka Masallaha Magaalada Hargeysa, kaasi oo ka dhexeeyay dhinacyada dilku ka dhex dhacay,iyadoo dhibaatooyinka dhulka ee Somaliland yihiin kuwo soo noqnoqday marar badana gaystay khasaare dhimasho.

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabiley Wakiil Ku Xigeenka Ergeyga Gaarka ah Qaramada midoobay Mr Peter de Clercq ahna Isuduwaha Gargaarka Bani aadanimo iyo Wakiilka Barnaamijka Qaramada Midoobay ee Horumarinta (UNDP) u qaabilsan oo dalka soo gaadhay.

Wasiirka arrimaha dibadda oo kulanka kadib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay arrimo dhawr ah ka wada hadleen“Waxaanu kulan la lahayn Peter de Clercq oo ka socda qaramada midoobay, una qaabilsan arrimaha horumarka iyo xuquuqda aadamaha ee gobolka. Waa ninka ku xiga Nicholas Kay ee qaabilsan horumarka iyo xuquuqda daamaha. Isagoo maanta Somaliland ugu horayso waxaanu kala hadalnay arrimaha ammaanka. Waxaanu u sheegnay in Somaliland tahay wadan xassilloon, waddan dimuquraadiya, waddan, waddan doorashooyinkiisa si wanaagsan u qabsaday, waddan hay’addihiisii dawliga ahaa dhisan yihiin” ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiir Maxamed Biixi, waxa uu sheegay inay kala hadleen sidii aanay dhibkii qaramada midoobay loogu gaystay Garoowe halkan u saamayn lahayn ee hay’addaha qaramada midoobay hawlahooda wataan “ Waxaanu aad iyo aad uga hadalnay inaan dhibaatadii ka dhacday Garoowe aan halkan loo saamayn, ee hay’addaha qaramada midoobay si xor ah oo fasax leh u socdaan oo aanay ka warwarin ammaankooda, waayo masuuliyadda ugu weyn ee shaqaalaha UN-tu wuxuu saaran yahay dawladda Somaliland, xil gaar ayaana naga saaran”, ayuu yidhi Mr Yoonis.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Waxa kale oo aanu kala hadalnay abaaraha iyo dhibaatada maanta jirta, wax uga wada qaban lahayn iyo sidii kolay abaaruhu way soo noqnoqdaana wax lagu xaddido uga wada shaqayn lahayn, imikana aanu isla qiimayno dhibaatada abaarta oo dhakhso naloogu soo gurmado”.

Waxa kale oo uu sheegay inay warbixin ka siiyeen heshiiskiii asxaabta iyo xukumadda ee ahaa in doorashada la qabto December, 2016 “Waxa kale oo aanu warbixin ka siinay halka uu marayo wada hadalkii ku saabsanaa heshiiskii saddexda xisbi iyo dawladdu wada gaadheen ee doorashada ku saabsanaa oo aanu u sheegnay inay si fiican u socoto” ayuu yidhi wasiirku.