Madaxweynaha Oo Qaabilay Sarkaal Ka Socday Qaramada Midoobay

0
505

Picture4Hargeysa (Geeska)- Madaxweynaha  Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa xafiiskiisa ku qaabiley Wakiil Xigeenka ergeyga gaarka ah qaramada midoobay Mr Peter de Clercq ahna Isuduwaha Gargaarka Bani aadanimo iyo masuulka arrimaha horumarinta u qaabilsan  qaramada midoobay.

Kulankan oo ay saxaafadu dibad joog ka ahayd markii uu dhamaaday waxaa saxaafada la hadlay wasiirka arrimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, waxaanu yidhi “Waxaanu kulan la lahayn Peter de Clercq oo ka socda qaramada midoobay, una qaabilsan arrimaha horumarka iyo xuquuqda aadamaha ee gobolka, waa ninka ku xiga Nicholas Kay ee qaabilsan horumarka iyo xuquuqda daamaha. Isagoo maanta Somaliland ugu horayso waxaanu kala hadalnay arrimaha ammaanka. Waxaanu u sheegnay in Somaliland tahay wadan xasiloon, waddan dimuquraadiya, waddan doorashooyinkiisa si wanaagsan u qabsaday, waddan hay’addihiisii dawliga ahaa dhisan yihiin”  Wasiirka oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Waxa kale oo aanu kala hadalnay abaaraha iyo dhibaatada maanta jirta, wax uga wada qaban lahayn iyo sidii kolay abaaruhu way soo noqnoqdaana wax lagu xaddido uga wada shaqayn lahayn, imikana aanu isla qiimayno dhibaatada abaarta oo dhakhso naloogu soo gurmado”.

Waxa kale oo uu sheegay inay warbixin ka siiyeen heshiiskiii asxaabta iyo xukumadda ee ahaa in doorashada la qabto December, 2016 “Waxa kale oo aanu warbixin ka siinay halka uu marayo wada hadalkii ku saabsanaa heshiiskii saddexda xisbi iyo dawladdu wada gaadheen ee doorashada ku saabsanaa oo aanu u sheegnay inay si fiican u socoto”