Boqorkii Dhulkiisa Safarka Ku Maray Ee Xalka U Raadiyey Waddo Xumadii Uu Soo Arkay Iyo Fikirkii La-taliyihiisa

0
637

Hargeysa (Geeska)- Weli waxa aynu dhex mushaaxaynaa badweynta sheeko baraleyda Carabtii hore oo ay ku jiraan qisas badan oo xikmad in laga dheegto mudan iyo maadays aan la dhayalsan karin. Waa qiso kale, oo markan ka waramaysa nin boqor ah oo dhulkii uu ka talinayey soo indho indheeyey, dhibtii uu soo arkay, xalka uu u raadiyey iyo taladii uu gacanyarihiisu siiyey.

Marka koowaad waxa ay ka waramaysaa sida aanu boqorkani uga war haynin duruufaha ka jira dhulkiisa ee uu mar dambe oo isaga dhibtii soo gaadhay uu u dareemay, marka xiga caqliyadda liidata ee uu xal u raadinta dhibtaas u maray, marka saddexaad talo xumada inta ku xeeran oo iyaguna xal hoose oo ku meel gaadh ah uun siiyey balse aan ku dhiirrin in uu dhibtaas uu soo arkay wax ka qabto, waa tan qisadii ee ka bogo:

Kabihii boqorka:

Mid ka mid ah boqorradii hore ayaa ayaa beri go’aan ku gaadhay in uu safar dheer oo lug ah ku soo maro inta badan ee dhulka uu ka talinayey si uu goobjoog ugu soo noqdo duruufaha kala duwan ee ka jira, maadaama oo aanu isagu hore dhulkan lug ugu marin, gacanyareyaashiisuna u sheegi jireen uun in uu nidaamkiisu dhulkii horumar weyn oo dhinacyo badan ah gaadhsiiyey, boqorkani waxa uu safarkan lugta ah ku galay kabo ah kuwii caadiga ahaa ee uu ku dhex mari jiray magaalada weyn iyo shaaracyada marmarka iyo laamida la dhigay.

Boqorkii markii uu safarkii ka soo noqday waxa uu dareemay dhib badan iyo xanuun, gaar ahaan waxaa si aad ah u bararay labada lugood oo ay biyo ka galeen waddo xumada iyo kabaha uu xidhnaa dartood. Waxa uu si degdeg ah isugu yeedhay, la-taliyeyaashiisii iyo gacanyarayaashii hawlaha uu u igman jiray, waxa aanu u soo bandhigay dhibta jirta iyo go’aan uu qaatay oo ah in si dadka safarka ku jira aanay mar dambe cagaha biyo u gelin, loo baahan yahay in waddooyinka la hagaajiyo, gaar ahaan magaalooyinkana shaaracyadooda lagu goglo Saan, dadku ku dul socdaan si ay uga badbaadaan qodaxda iyo dhagaxa.

La-taliyeyaashii boqorka iyo gacnayarayaashiisii markii ay arrinkii uu soo hordhigay rog-rogeen waxa ay u sheegeen in ay hayaan fikir kaas kana kharash yar, hirgelintiisuna ka fududahay. “Waxa aynu soo qaadanaa Maas aad u tayo badan oo nooca qaaliga ah, kadib marka dambe ee uu boqorku baxayo ayaa aynu si farshaxan ah cagihiisa ugu duubaynaa, si aanay qodaxdaasi u dhibin. Fikirkii ayaa uu boqorkii aad u soo dhoweeyey kuna qancay dhaqangelintiisa.