Samaale Iyo Abiib Oo Socdaal Kale Oo Hal-xidhaale Ah Dalalka Dibadda Ugu Baxay

0
624

Picture9Hargeysa(Geeska)-Labada siyaasi ee iska casilay xilkii wasiirnimo ee xukuumadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Abiib Diiriye Nuur (Timacad), ayaa mar kale safar ugu baxay wadamada dibadda.

Abiib iyo Samaale, ayaa dhawaan safar aan la ogayn ujeedadiisa rasmiga ah ugu baxay wadamo ka tirsan Bariga Afrika, gaar ahaan Kenya iyo Tansaaniya, waxaana la aaminsanyahay, inkastoo uu safarkoodu yahay mid shakhsi, haddana inaanay siyaasadi ka madhnayn.  Safarka labadan siyaasi ayaa hal-xidhaale ku noqday xukuumadda oo si aad ah indhaha ugu haysa socdaalkan iyo kii ka horeeyayba, iyadoo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo aaminsan in socdaaladooda dhawrka ahi salka ku hayaan siyaasad aanay weli jirin cid si rasmi ah u ogi.  Samaale iyo Abiib, ayaa la sheegay inay safarkoodii u horeeyay ku tageen wadanka Kenya, gaar ahaan magaalada Nayroobi, iyagoo markii dambena gaadhay wadanka Tansaaniya, waxaana la filayaa in safarkoodaas ka dib ay dhawaan iman doonaan magaalada Hargeysa. Labadan siyaasi ayaa hore safaro dhawr bilood qaatay hore ugu baxay, iyagoo markii ay soo laabteena aan wax war ah ka bixin socdaalkooda. Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Abiib Diiriye Nuur, ayaa inkastoo ay iska casileen golaha wasiirada Madaxweyne Siilaanyo, haddana waxa ay weli ka sii tirsanyihiin xisbiga KULMIYE oo ah xisbiga talada haya.