Xildhibaan Cali Aareeye Oo Xukuumadda Ku Tilmaamay Mid Wakhtiga Doorashada Diidan, Haddana Ku Jirta Olole Doorasho

0
558

Picture8Hargeysa (Geeska)- Xildhibaan Cali Sheekh Ibraahin Aareeye oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa sheegay in Xukuumadda taladda dalka haysa ee uu Madaxweynaha ka yahay Axmed Siillaanyo, ay ololo ku jirto, haddana aanay Doorasho diyaar aanay u ahayn.

Xildhibaan Cali Sheekh Ibraahin Aareeye oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale wax lala yaabo ku tilmaamay in laba mawqif oo aad u kala fog iskana hor imanaya uu  Madaxweynuhu ka istaagay muddo kordhinta Guurtida, “Gobolada Somaliland oo dhami waa isku wada mid, waxaana ugu daran Biyo la’aanta, oo waa taas la arkaayo Hargeysa sida ay tahay, oo Biyo yaraan ayaa jirta, waxaana la yidhi ceelashii wey gudheen, waxaana waxaas u sabab ah Cadaalad daro ka jirta dalka, waxaana ugu sii daran Gobolada Gabiley, Awdal iyo Salal, iyada oo wax walba qadar yihiin, haddana waxa qeyb ka ah khal khal Siyaasadeed,oo waa kaas Madaxweynihiina iska tamashlaynaya oo Ceerigaabo iyo Burco, oo dalkeeniiya oo ay sax tahay inuu tago, haddana waa taas la arkaayo abaarta dhacday, xoolihii dhimanayaan, dadkii dhibi haysto, oo waliba Gobolada Awdal iyo Salal ilaa Todoba Sanno roob hagaagsan oo ku da’ay ma jirto, in loo gurmado ayey ahayd dadkaas abaaruhu ku habsadeen, laakiin xukuumad olole ku jirta ayaanu arkaynaa, oo walibana Doorashadiina diidan, wax is qabtana maaha Doorashada wakhtigeedii waan diidanahay, haddana waan ololaynayaa, Laamiyadu waa sax, in xadhiga laga soo jaro  laakiin in dadkan dhibaataysan dhibaatada lagu eego maaha. Biyihii la sheegayey ee la lahaa xunba-weyne wax ka naasa cadi ma jiraan, noloshuna waa biyaha, dadkiina runtii uu kadeedan yahay, abaartana magaca loo bixiyo garan mayno, ”.

Xildhibaan Aareeye ayaa mar uu isbarbar dhig ku sameeyey Abaaraha gobolada qaar ka dhacay iyo kharashka Madaxweynaha safarkiisa ku baxay ayaa yidhi “Madaxweynaha Wasiirada la socda ayaaba dhawr iyo labaatana, oo mid walba kharashkiisi uu wataa,haddana abaarta dalka ka dhacday ee dadka ku habsatay weynu arkaynaa, wax isku dhawna maaha”.

Xildhibaan Aareeye ayaa mar uu ka  hadlaayey mawqifka uu Madaxweynuhu ka istaagay Doorashada iyo go’aankii Guurtida ayaa yidhi “Labada Xisbi Qaran mawqifkoodii waa kuwii ka soo saaray go’aankiii Guurtida, anaguna mawqifkaas ayaanu ayidsan ahay, Madaxweynuhu mar waxa uu leeyahay go’aankii Guurtidu waa dastuuri oo waa sax, marna waxa uu leeyahay iyaga aynu u tagno oo aynu dhiraan-dhirino,labadaas arimoodna isma qabato, isaga ayaa Madaxweynaha isaga ayaa wakhtiga Doorashada la qabanayo cayimi kara,  ama Komishanku iyo  Saddexda Xisbi haddii ay ku heshiiyaan ha ku raaco”. Xildhibaan Aareeye mar uu Xukuumadda baaq u diraayey ayaa yidhi “Xukuumadda waxa aan ugu baaqaya inay sidan isku dhaanto, sidani si Madaxweyne iyo Xukuumaddiisu ku shaqayn karaan maaha, inay dalka iyo dadka u naxaan ayaa loo baahan yahay”.

Dhanka kale Cabdiraxmaan Saylici isaga ayaa Madaxweyne ku xigeena ee doorkii uu lahaa Madaxweyne ku xigeenku inuu qaato weeyaan”