“Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Waa Nin Taariikh Gaara Nagu Leh Hadaanu Nahay Reer Sanaag”

0
527

Picture7Harageysa(Geeska) Boqor Cismaan Aw-Maxamuud Buur-Madow oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Beelaha Somaliland ayaa sheegay in guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi abaal badan ku leeyahay dadka reer Sanaag.

Boqor Buurmadoow oo ka hadlayay mid ka mid ah safaradii uu Madaxweynuhu ku maray gobalka Sanaag oo uu boqorku xoolo ugu deeqay jidka Ceerigaabo, ayaa wuxuu yidhi  “Madaxweynaha Iyo Waftigan Balaadhan ee uu hogaaminaayo waxaan ku leeyahay ku soo dhawaada Gobalka Sanaag Gaar ahaan Dagmada Ceel Af Weyn  Anoo ku hadlaaya Magaca madax dhaqmeedka Gobalka Sanaag,anoo tixgalinaaya qoraxdan la joogo Mudane Madaxweyne Dadka Reer Sanaag Waa Dad Tixgalinaaya Dawladooda Iyo madaxdooda. Markaan intaas ka soo gudbo waa waxa taariikhdu qori doonto baal dahabana ka gali doonta waxqabadkaaga gobalkan sanaag, dawladii Af weyne Wax aanay ka qaban ayaad ka qabatay Madaxweyne waxaana aad u babac dhigtay hawsha intaas leeg waxaan aan aad ugu mahad naqaya libaaxyada aad hawshaa u xil saartay Wasiirkaaga Madaxtooyada iyo Maareeyaha Wadooyinka oo aan odhan karo waa cagafyo . Waxaan xusayaa Madaxweyne Sharaf Weyn oo ay u hayaan Dadka Gobalkan Labada Janan Ee Booliiska Iyo milatariga oo amnigii Gobalkan kor U qaaday kolay wax qabadkan waxa dhalay xisbiga kulmiye kolay waxa la joogaa xiligii doorashooyinka in xisbiga kulmiye la dareemo weyaan olalihiisa, Gudoomiyaha xisbiga kulmiye waa nin taariikh gaara nagu leh hadaanu nahay reer Sanaag. Madaxweyne Maanta waxaan idinku wareejinaynaa Geel Adhi waana raacii hore kolay qaybo kalana waa ka dambeeyaan Tiradoodonu waa 500 oo Adhiya iyo dhawr iyo kontomeeyo Geela .”