Xikmadda Ku Jirta Go’aan Uu Qaatay Halyeeygii India Ee Gandhi Mar Uu Qaadan Kari Waayey Kab Ka Dhacday

0
734

gasHargeysa (Geeska)- Haddii mid ka mid ah labadaada kabood ay kaa dhacdo ama si uun kaaga lunto, kabta kuu soo hadhay ee lugta keliya ah maxaa aad ku samayn lahayd? Waxaa laga yaabaa in midkeen uu meel uun ku tuuri lahaa, mid kalana isaga oo rajaynaya in uu teedii mar dambe helo meel uu dhigan lahaa, siyaao kale oo la yeeli lahaa in ay qofka ku soo dhacaanna waa suurtogal. Haddaba halyeeygii xorriyadda dalka India Mahatma Gandhi ayaa ay tan oo kale ku dhacday ee aynu eegno sida uu u xalliyey.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Mahatma Gandhi oo aad u dheeraynaya si uu u gaadho tareenka oo ka dhaqaaqayey, markii uu tareenkii fuulay ay ka dhacday mid ka mid ah labadiisii kabood. Nasiib darro tareenkiina dhaqaaq oo kabtii halkii ayaa uu kaga tegey.

Gandhi kabtii kale inta uu bixiyey ayaa uu si degdeg ah tuuryo dheer ugu tuuray halkii ay kabtii kale kaga hadhay. Saaxiibbadii ayaa aad ula yaabay, waxa uu arrintan uga jeedo, waxa aanay weydiiyeen, sababta uu sidaa u yeelay?!

Gandhi waxa uu ku jawaabay ereyo aad u xikmad badan oo ahaa, “Waxa aan jeclaystay in ruuxa faqiirka ah ee hela aanay ku noqon kab keliya ee ay u noqdaan laba kabood oo uu ku intifaacsado. Haddii kab keliya ay noqoto, waxba uma faa’idaynayso, aniguna haddii aan kab keliya la hadhana waxba iima faa’idaynayso.

Waa dersi uu Mahatma Gandhi innagu barayo in haddii shay aynu jecel nahay aynu weyno, ama inaga uu ina dhaafo ay fiican tahay in aynu niyadda uga hibayno in ruuxa kale ee helaa uu si dhamaystiran u helo si farxaddu ugu dhamaystiranto. Una aragno in farxaddiisu ay farxaddeenna tahay.