2.6 Bilyan Oo Qof Oo Dunida Ku Nool Ayaa Aan Helin Suuliyo Caafimaadka Ku Habboon Iyo Biyo Nadiif Ah

0
692

11111Hargeysa (Geeska)- Warbixin ay Qaramada Midoobey soo saartay toddobaadkii hore ayaa ay ku caddaysay in saddex qof ee dunidan ku noolba mid ka mid ahi aanu lahayn suuli uu xaajadiisa ku dhammaysto, taas oo macnaheedu yahay in 2.4 Bilyan oo ruux aanay suuliyo lahayn, 946 kun oo qof oo ka mid ahina ay xaajadooda ku gutaan bannaanka.

Warbixintan oo laga soo saaray mashruuca horumarinta suuliyada iyo biyaha la cabbo oo ay wada jir u yagleeleen Sanduuqa Qaramada Midoobey u qaabilsan carruurta ee UNICEF iyo ururka caafimaadka adduunnka ee WHO waxaa lagu sheegay in toddoba ka mid ah tobankii kasta ee qof ee dunida ku nool aanay haysan suuliyo dhisan, sagaal ka mid ah toban kasta oo qof oo dunida ku noolina ay bannaanada oo miyiga ah suuli ka dhigtaan.

In kasta oo la og yahay in dunida horumar badan ka gaadhay dhinaca nolosha, haddana waxaa arrin lala yaabo ah indadka dunida ku dhaqan intooda badani aanay haysan imkaaniyaadkii bilowga u ahaa nolosha.

Warka aan wanaagsanayn ee warbixitan ku jira ayaa ah in muddadii ka dambaysay sannadkii 1990kii ay qiyaas ah 2.6 Bilyan qof oo dadka dunida ku nool ah ay u suurtogashay in ay helaan biyo cabbitaan oo nadiif ah. waxa ay warbixintu intaas ku dartay in maalin kasta ay dunida ku dhintaan ku dhowaad kun carruur ah oo da’doodu ka yar tahay Shan sano jir, oo u dhinta shuban ka dhashay biyaha aan cabbitaanka ku habboonayn ee ay cabbayaan, laakiin haddana waa tiro aad uga yar sidii ay ahayd sannadkii 2000.