Meelo Dunida Ka Mid Ah Oo Ay Mamnuuc Tahay In Booqasho Ama Dalxiis Lagu Tago Iyo Sababta (Q: 1aad)

0
604

Picture7Hargeysa (Geeska)- Dunida maanta waxaa ku nool dad aad u badan oo xiiseeya dalxiiska waxa aanay booqashooyin dalxiis ah ku gaalaa-bixiyaan daafaha dunida. Dadka dalxiisayaasha ah iyo dadka xitaa danaha kale u taga dalalka kale waxa ay jecel yihiin in ay soo arkaan goobaha taariikhiga ah iyo meelaha ay yaallaan aataarka iyo hadhaadiga dadkii inooga soo horreeyey adduunyada, sidoo kale waxa ay soo eegaan goobaha aanay dunidu warka badan ka haynin. Laakiin mararka qaarkood waxa ay la kulmaan caqabado ujeedadoodan ka hor istaagtay, waayo dunidan waxaa ka jira meelo aad u badan oo ay mamnuuc tahay in cidi booqato, qormadan uu Geeska Afrika Afsoomaaliga u soo rogay ayaana soo bandhigaysa meelo ka mid ah goobaha dunida ku yaalla ee aan aadamaha loo ogolayn in ay galaan, kuwaas oo kala ah:

1. Jasiiradda Niihau:

Gasiiraddan oo ku taalla dalka Maraykanka waxaa lagu naanaysaa gasiiradda xaaraanta ah, ama manuuca ah, maadaama oo laga mamnuucay in ay wax booqasho ah ku tagaan dadku, marka laga reebo dadka ay qaraabada yihiin dadka tirada yare e ay qaraabada yihiin dadka Gasiiraddan ku nool iyo sidoo kale xubnaha ciidamada Badda iyo masuuliyiinta xukuumadda ka tirsan, kuwaas oo ku yimaadda diyaaradaha Qumaatiga u kaca.

Gasiiraddani ma’ laa imkaaniyaadka nolosha casriga ah oo dhan, tusaale ahaan, malaha waddooyin laami ah, hudheello, iyo dukaamo waaweyn, dadkeedu waxa ay habeenkii laydh ka dhigtaan Soolarta qorraxda ka qaadata tamarta. Dugsi waxbarasho oo keliya ayaana ku yaalla.

Jasiiraddan waxaa dadka dalxiiska ah tegitaankeeda laga mamnuucay sannadkii 1915kii, iyada oo ay ujeedadu ahayd in la ilaaliyo hiddaha iyo dhaqanka asalka ah iyo qaab nololeedka taariikhiga ah ee dadka tirada yar ee jasiiradda deggen, waayo waxaa laga baqay in dalxiisayaashu ay beddeli karaan dhaqanka iyo nolosha dadkan, taasina ay meesha ka saarayso taariikh muhiim ah oo dadkani u taagan yihiin.