Labada Xisbi Mucaarid Oo Qodobo Soo Saaray Kana Digay Go’doon Siyaasadeed

0
587

Picture6Hargeysa(Geeska)-Shirkii sida wada jirka ahaa ugu socday Xisbiyada Mucaaradka ee Somaliland UCID iyo Waddani, ayaa laga soo saaray lix qodob oo ku saabsan sidii dalka doorasho looga qaban lahaa. Waxa lagu soo bandhiga qodobadaasi madal balaadhan oo ay asxaabta iyo madashu goob joog ka ahaayeen.

Qodobadan ka soo baxay Shirkii Labada Xisbi Mucaarid oo uu halkaas ka akhriyey Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga UCID ayaa u dhignaa sidan

1.In Madaxweynuhu sida ugu dhakhsaha badan u fuliyo heshiiskii saddexda xisbi qaran ku heshiiyeen ee gogoshii madaxweynuhu fidiyay 26, May, 2015.

2-Haddii madaxweynuhu fulin waayo heshiiskaas, waxaa muuqata inaanu madaxweynuhu rabin inay dalka ka dhacaan doorashooyin xor ah oo xalaal ah. Waxaa lagama maarmaan ah in aanu dalbanno  in beesha caalamku na soo dhexgasho. 

3.Waxay labada xisbi go’aansadeen, in aanay aqbali doonin waxaan ahayn wakhtigii saddexda xisbi iyo xukumaddu isla qaateen ee ahaa December, 2015. Haddii xukumaddu fulin waydo heshiiskaas waxay labada xisbi ku noqon doonaan wakhtigii komishanka doorashadu cayimay ee ahaa in doorashada la qabto June, 01,2016. 

4.Inaanu go’aanka guurtidu waafaqsanayn dastuurka iyo sharciga Somaliland, sababtoo ah ma jiraan shuruudaha ku xusan qodobka 42-aad, farqadiisa 5-aad ee dastuurka ee sheegaya duruufaha doorashada dib u dhigaya. Inaanay guurtidu xaq u lahayn laalista wakhtiga komishanku cayimay, islamarkaana aanay xaq dastuuri ah guurtidu u lahayn cayimaada doorashada. 

5.Anagoo ka duulayna  dhammaadka muddo xileedka madaxweynaha iyo golaha wakiillada, iyo go’aankii maxakamadda sare soo saartay ee ay ku amraysay in si degdeg ah loo soo afjaro khilaafka wakhtiga doorashada, waxaanu diyaar u nahay fulinta amarka maxakamadda. 

6.Shirku wuxuu go’aamiyay in nabada, xasiloonida iyo jiritaanka madaxbanaanida Somaliland tahay muqadas.  Waxaa go’aankaasi ku saxeexnaa Guddoomiyaha Ucid Faysal Cali Waraabe iyo Guddoomiyaha waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro.