Hogaanka Labada Xisbi Mucaarad Oo Dhaliilo Culus U Soo Jeediyey Xukuumadda

0
621

Picture3Hargeysa (Geeska)-Madaxda Xisbiyada Mucaaradka ee UCID iyo Waddani, ayaa dhaliilo culus u soo jeediyey Xukuumadda taladda dalka haysa ee uu Madaxweyanha ka yahay, Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro) iyo Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, oo shalay ka hadlay shir jaraa’iid oo ay kaga hadlaayeen go’aamadii ka soo baxay shirka ayaa sheegay in Xukuumaddu ku fashilantay geedi socodkii, iyo nidaamkii dawladnimo, in hoos u dhac ku yimid xidhiidhkii ay Somaliland la lahayd Beesha Caalamka, in aqoonsi raadintiina ay meesha ka baxday.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo isagu halkaas ka hadlay ayaa sheegay in murankan u dhexeeya xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka inuu sameeyn balaadhan ku yeeshay dhaqaalihii Somaliland, waxaanu ku baaqay in dalka la badbaadiyo, oo meel la iskugu yimaado, isla markaana wixii khilaaf ah ee jira la dhameeyo, waxaanu yidhi “Murankaas Maanta ina jooga dhaqaale badan ayaa la hakiyey runta ayaan idiin sheegayaaye, oo dawladda laga joojiyey, dhaqalahaas la hakiyeyna madaxda taabanmayso ee Qaranka oo dhan ayey taabanaysa, markaas waxa aan leenahay dawladda sidii Islaantii tidhi daad wararac, haddii intiina joogta iska dharagsan tihiin, Shacabka dhibaato ha u soo jiidina, waana in go’aankan la fuliyaa, waxa aanu leenahay diyaar ayaanu nahay, dalka ha inaga burburina, shantii Sanno wey idiin dhammaatay, ee waxa aan jeclanahay in aanu Maanta dalka badbaadino, oo aynu u jeedsano cadawgeena shisheeyaha ah iyo horumarka dalkeena”.

Faysal Cali Waraabe ayaa mar uu ka hadlaayey Ictiraafka Somaliland waxa u yidhi “Gooni istaageena qofna ma beenayn karo Ictiraafkeenana ma heli karno haddii aynan dawlad wadaag sameeynin, ictiraafkeena heli mayno haddii aynaan inagu midaysnayn, waxa la yidhi rag isku maqan lagu maqan, oo Rag iskama celiyaan baa la yidhi, haddii aynaan inagu khilaafkeena aynu badino oo uu jiitamo, oo aynu isku mashquulno, cadawgeenu gacan buu helayaa, Ictiraafkeena heli mayno haddii waxa aynu haysano si siman loo qaadan, dad is haysatana gacan lama siinayo, Axsaabtii Mucaaradka ahi haddii aanay raali ku ahayn waxa socda lacag iyo dhaqaale lama siinayo, markaas waxa aanu leenahay ha ka hor tagno, waxaana jeclahay in ILLAAHAY soo nabadgeliyo Madaxweyanha iyo safarkiisi, isaga oo diiraan oo bad qabo inoo yimaado, isaga oo dheguhu u furmeen inoo yimaado, isaga oo shaqadiisa qabsaday inoo yimaado”

Dhanka kale Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro, oo sina halkaas ka hadlay ayaa si adag u dhaliilay Xukuumadda, waxa uu tilmaamay in halka uu Madaxweynuhu safarka ka galay inay looga baahnaa in Shirka Adisababa uga socda Wadamada Afrika inay ka qayb galaan, waxaanu xusay in Xukuumaddii hore ay kaga wanaagsanayd dhinaca xidihidhka caalamka, waxaanu Madaxweynaha ugu baaqay in Shir la iskugu yimaado, oo lagaga tashado xaalada dalka ka taagan, waxaanu yidhi yidhi “Shirka sida idinka muuqata intii uu socday, iyo sida idinka muuqato go’aamadiisa muu ahayn shir lagu dibindaabaynayo  Somaliland, Maanta ma garanayno wakhti ay doorashooyin ka qabsoomayaan Somaliland, waxa fiicnaan lahayd maalaha Xukuumaddu dhiirato sida ay Xukuumadda Xamarba u dhiiratay ee tidhi doorashooyin qabsoomaya ma hayne, talo Qaran aynu iskugu nimaadno,waxa aanu leenahay Madaxweynaha haddii ay ka go’antahay in Doorashooyinkii aad laashay sida hadda ka muuqata, dadka iskugu yeedhan tallo qaran, si mushkilada looga baxo, oo mushkiladaas lagaga hadlo oo lagaga baxo, waxaana Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisaba u soo jeedinaynaa inay dhegaha u furaan go’aamadaas”.

Guddoomiyaha XIsbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (cabdiraxmaan Cirro), ayaa mar uu ka hadlaayey Shirka Adisababa ka socda iyo sida ay u dayacday Xukuumaddani ka qayb galkeeda ayaa yidhi “Adisababa waxa ka socda Shir weyn, oo Madaxweynihii Mareykanku joogo, oo Afrika Oo dhami iskugu timid, Xukuumaddan, Xukuumaddii ka horeeysay haddii ay Shirkaas oo kale gali kari waydo albaabada ayey istaagi jirtay, oo waraaqo ayey qaybin jirtay, in Shacabka loo tago oo xaaladooda xogogaal loo noqdo, malaa waxa kaga haboonayd inay Adisababa tagaan oo 80-wadan ee Afrika ah ee shiraya inay qadiyada Somaliland la hortagaan, oo haddii ay gali kari waayaana dadka ka dhaadhicyaan”

Musharaxa Madaxweyanaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo isna halkaas ka hadlay ayaa yidhi “Heshiisyadan ay Xukuumaddu ixtiraami weyday waxa aad mooda in go’doon siyaasadeed la ina galinayo, Dhaqaalihii la ina siin jiray ee  taageeri jiray  Beesha Caalamku qaarkooda ay la noqotay, yeynaan eegin kursiga iyo lexejeclada ee aynu danta guud ka wada shaqayno”