Garsoorayaasha Iyo Tababarayaasha Kubadda Cagta Somaliland Oo Loo Furray Tababar Caalamiya

0
536

Picture2Hargeysa (Geeska)- Wasaaradda dhallinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland ayaa tababar socon doona muddo sided cisho u qabatay garsoorayaasha iyo tababaraasha kala duwan ee kubadda cagta Somaliland, kaas oo ah mid heer caalami ah. Xidhiidhada kubadda cagta Somaliland iyo Jabuuti ayaa iska kaashaday tababarkan, iyaga oo casharada tababarka ay bixinayaan khabiiro ka socda xidhiidhka kubadda cagta wadanka Jabuuti kuwaas oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa caasimadda Hargeisa.

Xafladii furritaanka tababarkan oo ka dhacday hoolka dallada dhallinyarada SONYO ayaa waxaa ka soo qeyb-galay wasiirka Duulista iyo Hawadda Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiir Xigeenka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Md. Yuusuf Cismaan Garas, Agaasimaha Guud ee wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Md. Maxamed Xuseen Axmed (Dhabeeye), Wasiir Xigeenka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Md. Nuur Cismaan Guuleed, Wasiir Ku-xigeenka Maamulka Gobollada iyo Degmooyinka ee wasaaradda Arrimaha Gudaha Md. Axmed Faarax Cadare, Wasiir xigeenka wasaaradda Warfaafinta Marwo Shukri Xariir, Guddoomiyaha SONYO Mr. Siyaad Cumar Cali, Agaasimaha waaxda ciyaaraha Mr. Maxamed Nuux Jibriil, Xidhiidhka kubadda cagta Somaliland iyo Xidhiidhka kubadda cagta Jabuuti, marti sharaf iyo xubnihii tababarka qaadanayey.

Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay kana war-bixiyey tababarkan iyo ujeedadiisa Guddoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta Somaliland Mr. Cabdilaahi Kheyre Cawaale (Gacal), waxaana uu ku dheeraaday faa’iidada uu u leeyahay tababarkani ka faa’ideystayaasha waxaana uu u mahad-naqay xidhiidhka kubadda cagta Jabuuti oo tababarkan bixinaya iyo wasaaradda ciyaaraha iyo ururka Qurba-joogta horumarinta ciyaaraha Somaliland oo gacan laxaad leh ka gaysatay qabsoomida tababarkan.

Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Xoghayaha guud ee xidhiidhka kubadda cagta Jabuuti Mr. Xasan Maxamed Maal, waxaana uu sharaxay faa’idada tababarkani u leeyahay garsoorayaasha iyo tababarayaasha kubadda cagta Somaliland maadaama ay casharada bixinayaan khubaro ka tirsan xidhiidhada kubadda cagta FIFA iyo CAF waxaana uu ku guubaabiyey xubnihii loo furray tababarka inay ka faa’ideystaan muddadaa casharadu u socdaan. Waxaa sidoo kale oo masuuliyiinta wasaaradda ciyaaraha, xidhiidhka kubadda cagta Somaliland iyo xukuumadda Somaliland uga mahad-celiyay soo dhawaynta diiran ee ay u muujiyeen, waxaana uu hoosta ka xariiqay in la xoojin doono xidhiidhka dhanka ciyaaraha ee ka dhaxeeya labada wadan.

Agaasimaha waaxda ciyaaraha ee wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Mr. Maxamed Nuux Jibriil ayaa si qoto dheer uga hadlay horumarka ciyaaraha Somaliland ku talaabsatay sannadihii ugu dambeeyay, waxaana uu sheegay inay dedaal ugu jiraan sidii qeybaha kala duwan ee ciyaaraha loo xoojin lahaa aqoontooda iyo khibradooda. Agaasimaha guud ee wasaaradda dhallinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Md. Maxamed Xuseen Dhabeeye ayaa ku dheeraaday horumarka ay ciyaaruhu ku talaabsadeen, waxaana uu ku tilmaamay tababarkan inuu ka mid yahay riyooyinkiisi iyo qorshayaashiisi uu ku taami jiray markii uu xilka la wareegay “Annaga waxay noo tahay farxad weyn, waxaanu aad iyo aad ugu faraxsanahay in maanta hawshan muhiimka ah ee tababarkan oo u jeedadiisu tahay in kor loo qaado aqoonta iyo xirfadda garsoorayaasha iyo tababarayaasha Somaliland,  waxaanu aad iyo aad ugu mahad-celinaynaa madaxda ka socota dalka aynu walaalaha nahay ee Jabuuti ee xidhiidhka kubada cagta ee uu hogaaminayo Xoghayaha guud xidhiidhka Jabuuti iyo xubnaha kale ee la socda, waxaanu aad iyo aad ugu mahad-celinaynaa dawladda Jabuuti gaar ahaan wasaaradeeda dhallinyarada iyo ciyaaraha oo iyadu fududeysan inay masuuliyiinta xidhiidhka kubadda cagta Jabuuti ay tababarkan bixiyaan. Waxaa sidoo kale u mahad-celinayaa ururka qurba-joogta horumarinta ciyaaraha Somaliland iyo dallada SONYO oo iyagu gacan weyn ka geystay hawshan” ayuu yidhi Agaasime Dhabeeye.

Wuxuu sii raaciyey hadalkiisi “Waxaan ku ammaanaya xidhiidhka kubadda cagta Somaliland inay runtii shaqo weyn oo miisaan leh ay qabteen muddadii ay xilka hayeen, anniga halkan iyo tababarkan aynu iskugu nimid farxad gaar ah ayay ii tahay maalinti aan la wareegay xilka saddex arrimood ayaan sheegay inaan xafiiskaa iyo shaqada madaxweynaha Somaliland ii igmaday aan ku soo kordhin doono hammigayga iyo dareenkayga ugu horeeya ay yihiin. Waxaa ugu horeysay in xidhiidhada Somaliland la hawl-geliyo oo ay shaqeeyaan oo aan laga maarmi karin, oo xilligaas may shaqaynayn oo meesha waa laga saaray, dad waxaa jiray xafiiska joogay iyo kuwo kale oo dibadda jiray ayaa ku doodayay looma baahna oo waa laga maarmayaa, anna doodaydu waxay ahayd way shaqayn karaan oo dalka waa laga hir-gelin karaa oo lagama maarmayo oo maalin ayay cagahooda ku istaagi doonaan,   Alxamdulilllah maanta waxaan ku faraxsanahay inay xidhiidhka kubadda cagta iyo xidhiidhada kale inay  shaqaynayaan oo ay cagahooda ku taagan yihiin. Arrinta labaad ee hammigayga ahayd waxay ahayd in garoonka Hargeisa Stadium in dooga cagaaran la dhigo, waxaa jiray iyagana dad ku doodayay inaan la dhigi karin, maantase waxaan aad ugu faraxsanahay inuu goglan yahay dooggii Hargeisa Stadium. Qoddobka saddexaad wuxuu ahaa garsoorayaasha iyo tababareyaasha iyo dadka kale ee farsamada ku hawlan in kor loo qaado, taasina waa Ilaahay mahadii oo waynakaa maanta u fadhina. Waxaa xaqiiqo ah in tababarkani uu dabooli doono caqabada aqoonta iyo xirfada dhanka garsoorka iyo macalimiinta haysata, waxaana rajaynayaa in ciyaaraha gobollada oo dhanka garsoorka cabasho badan ka jirto lagaga bixino doono ”.

Masuuliyiintii kale ee ka qeyb-galay furritaanka tababarkan ayaa wasaaradda ciyaaraha iyo xidhiidhada kubadda cagta Somaliland iyo Jabuuti uga mahad-celiyay tababarkan, sidoo kale uga baaqay ka qeyb-galayaasha inay ka faa’ideystaan aqoonta ay ka bartaan. Wasiir ku-xigeenka wasaaradda dhallinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland Md. Yuusuf Cismaan Garas ayaa isaguna dhankiisa uga mahad-celiyay xidhiidhka kubadda cagta Jabuuti iyo cid kasta oo qeyb ka qaadatay tababarkan muhiimka ah, waxaana uu xusay inay xukuumaddani ay muhiimada koowaad siisay horumarinta ciyaaraha iyo dhallinyarada.

Ugu dambeyntii waxaa halkaasi ka hadlay tababarkiina u furray garsoorayaasha iyo tababareyaasha kubadda cagta Somaliland Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi, waxaana uu wasaaradda ciyaaraha iyo xidhiidhada Somaliland iyo Jabuuti ku bogaadiyay qabsoomida tababarkan, waxaana dhankooda uu ugu baaqay garsoorayaasha iyo macalimiinta kubadda cagta inay ka faa’ideystaan muddada tababarkani socdo.