Xildhibaan Wakiilada Ka Tirsan Oo Ku Taliyay Soo Afjarida Khilaafka Siyaasiga Ah Ee Jira

0
652

Picture1Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland ayaa Wasaaraddaha kala duwan ee dalka u soo jeediyey inay si siman oo cadaalad ah ugu adeegaan uguna hawlgalaan Gobolada, Degmooyinka iyo Magaalooyinka kala duwan ee  dalka, waxaanu si gaar ah u sheegay in Gobolada Barri, ay ka dambeeyaan Gobolada kala ee dalka, isla markaana ay aad u hooseeyaan baahiyihii aasaasiga ah ee arrimaha Bulshada, gaar ahaan Dhaqaalaha iyo Waxbashada, waxaanu xusay in sidoo kale Hay’addaha mashaariicda kala duwan ka fuliya Somaliland waxa uu ugu baaqay inay mashaariicda ka fuliyaan Gobolada Barri, waxaanu tilmaamay in Goboladaasi yihiin qaar Nabadgaliyo buuxda ka jirto.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah siiyey ayaa sidoo kale ka hadlay muranka siyaasadeed ee ka dhex taagan Mucaaradka iyo Xukuumadda, waxaanu labada dhinacba u soo jeediyey inay danta Qaranka eegaan, oo ay khilaafka soo afjaraan,oo xal keenaa, waxaanu sidoo kale ka hadlay Socodaalka uu Madaxweynuhu ku tagay Gobolada qaar, waxaanu sheegay inuu Madaxweynuhu xaq u leeyahay inuu u kuurgalo ogaadana xaalada dhabta ah ee ay dadkiisu ku sugan yihiin, waxa kale oo uu xusay in muddo kordhintii Golaha Guurtidu ay sharci ahayd, oo ay iyadu ay xaq u leedahay muddo kordhinta, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi uu ku bilaabay sidan  “Wasaaraddaha kala duwan ee dalka waxa aan leeyahay waajibkiina iyo xilka idin saaran si daacadnimo leh u guta, oo si sinaan iyo cadaaladi ku jirto ugu shaqaya Gobolada, Magaalooyinka iyo Degmooyinka kala duwan ee dalka, oo maamul daadajin sameeya, Gobolada Barrina, xaaladooda ka warhaya, maxa yeelay maaha in Deegaano gooniya aad ka hawlgashaan, ee waa in dhammaan Deegaanada kala duwan ee dalka ka hawlgashaan”.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud ayaa mar uu ka hadlaayey khilaafkan siyaasadeed ee ka dhexeeya Xukuumadda iyo Mucaaradka waxa uu yidhi  “Muranadu waa tii maalmahanba jireen, ee ay Maxkamadu soo afjartay,ijiid aan ku jiide waa gacmo daalis, mar haddii la isku tanaasuli waayo dalka iyo dadkana loo danayn waayo, in lagu kala baxo Maxkamada Dastuuriga ahi waa muhiim si dalkana ay uga dhacdo Doorasho xor iyo xalaal ahi, si dalka Doorasho ay uga dhacdo, waxa aan jeclaan lahaa in khilaafka laga baxo, oo laga hawlgalo sidii loogu gogol xaadhi lahaa Doorashada, mar walbana waxa fiican in dalnta Qaranka laga dashado, oo ku jiqsi iyo hebel ku ximeena in meesha laga saaro ayaa wanaagsan, Dastuurka ayaana muhiim ah ee in isagu dib loogu noqdo oo lagu dhaqmo”

Talaabada ugu wacan ee Maanta lagu kala bixi karaa waa in murankaas la soo afjaro, Goboladaas Barrie ee aan la gaadhina in la kasbado, xuquuqdooda aasaasiga ah haddii ay noqonto Caafimaadka, Waxbarashada iyo baahiyahooda aasaasiga ah in wax lalga qabto ayaa muhiim ah, wixii ay xaq u lahaayeena in la geeyo weeye, in muhiimada la siyo Shacabka Goboladaas Barri weeye si aanu dalka u kala korin, xagga Aqoonta iyo xagga Dhaqaalahaba uu ku kala fog yahaye in culays badan la saaro ayaa wanaagsan, Mashaariicda kala duwan ee dalka laga fuliyana in qaybtoda la gaadhsiiyo ayaa haboon, Hay’adaha ku dooda meesha nabadi kama jirto lama gaadhi karo, waxa aan leeyahay nabadi wey ka jirtaa, maxa yeelay Madaxweynaha ayaaba hore u tagay Laasqoray, inay ku dhiiradaan oo ay tagaan Hay’adduhu ayaan soo jeedin lahaa, Shacabka deeganadaasi waa diyaar, oo waxa ay diyaar u yihiin Hay’addaha iyo cid walba oo wax u qabanaysa inay difaacan, kana difaacan cid walba oo dhib soo gaadhsiinaya, nabad buuxdana wey ka jirtaa”.

Xildhibaan Cabdiqaadir ayaa mar uu ka hadlaayey safarka uu Madaxweynuhu uu ku marayo Gobolada qaar ayaa yidhi “Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Sillaanyo), isaga ayaa dalka ka Madaxweynaha, xaqna uu u leeyahay inuu u kuurgalo, ogaadna xaalada dhabta ah ee dadkiisu ku sugan yihiin, inuu hadda Gobolada Barri uu safar uu ku tagana waan soo dhaweeynaya”.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud ayaa mar uu ka hadlaayey muddo kordhintii ay Guurtidu xilka ugu kordhisay Xukuumadda ayaa yidhi “Marka wakhtiga Doorashadu dhacdo, Golaha Guurtidu xaq ayey u leedahay inay muddada u  kordhiso Xukuumadda, Xukuumaddihii horeba sidii muddo kordhinta loogu sameeyn jiray ayaa Xukuumaddana loogu sameeyey”