Googooska Geeska Iyo Maadayska Maanta: Juxa Iyo Dawarsadihii Dabaqa Sare Ka Soo Dejiyey

0
731

Hargeysa (Geeska)- Waa qormo kale oo uu Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayo qisaska maaddo iyo xikmadda isugu jira ee laga dhaxlay Juxa oo ah, shakhsiyad caan ka ah taariikhda Carabta ee dhinaca hiddaha iyo dhaqanka. Maantana waa Juxa iyo sidii uu uga aargoostay miskiin dawarsanayey oo uu u arkay in uu ku gefay.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Juxa oo ku taagan dabaqa sare ee gurigiisa waxa uu arkay nin garaacaya albaabka gurigan laga soo galo oo dabcan xagga hoose ahaa. Juxa waxa uu ninkii ku yidhi, maxaa aad doonaysaa? Ninkiina waxa uu ugu jawaabay, “Soo deg, arrin ayaa aan kaala hadlayaa ee” Juxa isaga oo ixtiraamaya martidan arrinka ula timid ayaa uu soo dhaadhacay waxa aanu furay albaabkii.

Ninkii faqiirka ahaa Juxa waxa uu ku yidhi, “Waxa aan ahay nin faqiir ah, oo baahaysanayey, markaa wixii aad igu dhaanto igu caawi?” Juxa si aad ah ayaa uu ninkan uga cadhooday, kama uu cadhoon in uu dawarsado laakiin waxa uu qalad u arkay in uu soo dhaadhac yidhaahdo isaga oo aan hubin in uu wax siin doono iyo in kale. Markiiba inta uu cadhadiisii qarsaday ayaa uu miskiinkii ka codsaday in uu soo galo guriga oo weliba dabaqa sare uu u raaco. Miskiinkii oo faraxsan ayaa dabaqii fuulay, laakiin Juxa inta uu ku soo jeedsaday ayaa uu ku yidhi, “Alle ha ku siiyo”

Miskiinkii oo cadhaysan ayaa yidhi, “Oo intaas haddii aad i odhanayso, maxaa aad ii odhan weyday intii aynu taaxadka guriga joognay” Juxa waxa uu ugu jawaabay, “Adiguna haddii aad wax i weydiisanayso maxaa aad igu yeedhay ee aniga oo halkaa saaran ii weydiisan weyday”