Hurdada Duhurka Kadib Waxa Ay Kobcisaa Xusuusta Waxa Aanay Kor U Qaaddaa Baraarugsanaanta Maskaxda

0
732

Picture10Hargeysa (Geeska)- Dad badan ayaa ma’oggan faa’idada ay hurdada qadada kadib u leedahay dib u soo celinta tamarta qofka. Cilmibaadhis dhowaan natiijadeedu soo baxday ayaa daahfutay in hurdada maalintii ay nasiso maskaxda qofka iyo muruqyadiisa isla markaana xoojiso nasashada iyo furfurnaanta dabeecaddiisa. Sidoo kale waxa ay dib u soo celisaa awoodda iyo tamarta qofka ee dhinaca fikirka iyo baraarugsanaanta maskaxda, waxa aanay badisaa wax-soo-saarkiisa iyo xamaasaddiisa shaqo.

Laakiin faa’idooyinkaas badan ee hurdada maalintii macnaheedu ma’aha in ay qof kasta ku habboontahay, waxa aanay khubaradu aaminsan yihiin dadka ka cawda in habeenkii aanay gam’ayn waxaa lagula taliyaa in aanay maalintii seexan si aanay hurdadiisa habeenkii u carqaladayn.

Waqtiga ku habboon hurdada maalintii:

Xeeldheerayaasha cilmibaadhista ku sameeyey waxa ay ku talinayaan in aanay hurdada duhurka kadib ka badan 20 daqiiqo, waqtigaas oo ay u arkaan in uu ku filan yahay in qofku uu dib u soo ceshado awooddii iyo tamartii maskaxda ee hawshii maalinnimo kaga baxay. Haddii uu qofku u arko in waqtigaasi aanu ku filnayn waxa ay khubaradu kula talinayaan in uu hurdo 90 daqiiqo iyaga oo sheegay in waqtiga hurdada maalinnimo oo labadaas waqti ee aynu sheegnay loo dhexeysiiyaa ay keento in qofku soo tooso isaga oo dareemaya daal iyo burbur badan. Saacadaha ugu habboon in uu qofku hurdadan seexdaana waa inta u dhaxaysa kowda duhurka dabadii illaa saddexda casarkii.