Madaxweyne Siilaanyo Oo Mar Kale Mucaaradka U Diray Farriin, Sheegayna Inay Dawladiisa Bedeli Karto Dawlad Sharci Ah Oo Dimuqraadiyad Lagu Doortay

0
569

Picture9Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa mar kale ku celiyay in dawladiisa lagu bedeli karo oo keliya dawlad la soo doortay oo sharci ah.

Barta uu Madaxweyne Siilaanyo ku leeyahay twitterka ayaa shalay barqadii la geliyay qoraal kooban oo uu Madaxweynuhu ku sheegayo in dawladiisu tahay dawladda sharciga ah ee Soamliland. “Dawladdaydu waa ta’ keliya ee sharci ah ee ka jirta Somaliland, waxaana lagu bedeli karaa oo keliya sharci iiyo doorasho dimuqraadi ah.” Ayaa lagu yidhi qoraalka.

Hadalkan ayaan la garanayn cidda uu ula jeedo Madaxweyne Siilaanyo mar haddii aanu cadayn; waxase loo fasiran karaa inuu ula jeedo mucaaradka xukuumadiisa oo dhawr jeer ku celceliyay in wakhtigii Madaxweyne Siilaanyo la doortay ee shanta sannadood ahaa uu ku eegyahay 27 Julay 2015 oo ahayd Isniintii toddobaadkan, iyagoo qaadacay muddo kordhinta ay guurtidu u samaysay.