Cabdiraxmaan-Faroole Oo Ka Mahadceliyay Sida Loogu Soo Dhaweeyay Somaliland

0
551

Picture2Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil(Saylici), ayaa shalay qado sharaf ku maamuusay madaxweynihii hore ee maamulka Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo Hargeysa ku sugnaa in muddo ah.

Madaxweynihii hore ee Puntland oo qado sharaftaas hadal kooban ka jeediyay ayaa yidhi “Madaxweyne xigeen, imaatinkayga halkan waad ka war haysaan oo wuxuu ahaa xidhiidh aan idin la soo sameeyay, oo aan u imid si gaar ah oo khusaysa geeridii xumayd ee naxdinta lahayd ee ku timid qoyskayga(Xaaskaygii).

 Qoyskayga oo u qaybsanaa Australia oo anigu aan joogay iyo Garoowe iyo Hargeysa, ayaan qaybtan Hargeysa ku soo gaadhay tacsi.  Tacsidaas dadka iigu yimid ma tirin karo, waxaan hore u aqaanay oo asxaab ahayn, waxaanu qaraabo ahayn iyo dad ka mid ah dadweynaha iyo xukumadda. Aad iyo aad baan uga mahadcelinayaa sidaas la iigu qadariyay intii aan halkan joogay, idinkana waan idiin hambalyaynayaa waanan idiin mahadnaqayaa dhammaantiin haddaad tihiin xukumad iyo shacabba” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Faroole.

 

Madaxweyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ayaa isna ka hadlay Munaasibada qado sharafta ah “ waxaa sharaf weyn noo ah inaanu halkan ku marti qaadno Cabdiraxmaan oo kolay ah Oday Soomaaliyeed oo halkan inala jooga. Sharaf bay noo tahay Madaxweynahana way is arkeen, markaa marti qaadkuu nagu lahaa uun baanu u samaynay” ayuu yidhi Madaxweyne Xigeenku.

 Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland Cabdiraxmaan Faroole, oo muddo 10 cisho ah joogay Hargeysa ayaa halkan u yimid si uu baashiro ehelka xaaskiisa oo ku geeriyootay gacanta Wiilkeeda, oo sida la sheegay xabadi kaga qaraxday.