Muddo Xileedka Sharci Ee Silaanyo Ee Dhamaadey Sidey Ummadda S/L U Aragtaa?

0
604

Picture1

Maalinta 27 July 2015 waxa dhamaatey shanti sannadood ee madaxweyne  Silaanyo sharciga uu laha inu ku fadhiyo kursiga madaxtinimada S/L . marki uu ku guuleystey doorashadi madaxtooyada ee dhacdey 26 june 2010 . dadki uu codeeyey kulmiye oo aha 49.3% niyadoodu iyo rajadoodu cirkey mareeysey ,waxaaney rajeeynayeen in wax badan qabsoomayo dhinaca nabad gelyada, cadaaladda ,ictiraaf raadinta, shaqo abuurka , caafimaadka ,tacliinta iyo kaabayaasha dhaqaalaha iwm . Haddaba marka dib loo jeleeco muddadaa shanta sannadood wixi qabsoomey iyo rajada shacabka Somaliland halkey maanta mareeyso wa kaaf iyo kala dheeri . Wax wa qabsoomey marka loo eego dawladdi Rayaale ,laakiin marnaba ma gaadhsiisna halkey dadku filaayeen , meelaha qaarna wey ka sii liitaan sida nabad gelyada iyo ictraaf raadinta jamhuuriyadda S/L , guryihi iyo dhulki danta guud oo la xalaashadey taasoo dhiirigelisey tahriibka xad dhaafka ‘ah ee dhalinyarada . Haddaba xaaladda guud ee muranka siyaadadeed ee dalka S/L waxey mareysa halki 2001 ee AHN marxuum Cigaal waqtigu ka dhamaadey ee guurtidu uu kordhisey hal sanno halka mucaaridka uu hoggaaminaayey Saleebaan Maxmuud Adan ( Guuddoomiyaha guurtida ee  iminka ) uu ganafka ku dhuftey sharcinimada muddo kordhintaa kuna baaqey SHIR BEELEED in la qabto .Waxa ku xigtey 2008 marki qaraxa lala beegsadey safaaradda Ethopia, UNDP iyo madaxtooyada S/L. ee dib u dhac ku yimid habsami uu socodka diwaan gelinta cod bixiyaasha, in Silaanyo oo aha guddoomiyaha xisbiga kulmiye ku hanjabey in dawlad qaran la sameeyo ay hoggaaminayaan guddoomiyaha guurtida iyo guuddoomiyaha wakiilada,mudaharaad balaadhan na taageerayaashisa ugu baaqey oo dad ku dhinteen … Ayaan darro’se maanta wuxu ku faanaya madaxweyne Silaanyo in muddo khorhintisu sharci tahey .. Cajab !! …

Alla mahad leh,

Eng . Bashe Cabdi Gaboobe .

E mail :

gaboobe _3@hotmail.com