Dufanka Kalluunka Iyo Dhirtu Waxa Uu Aadamaha Siiyaa Cimri Dherer

0
890

Stockholm (Geeska)- Cilmibaadhis lagu diyaariyey dalka Sweden ayaa daahfurtay in ragga iyo dumarka cuna cuntooyinka kalluunka iyo khudradda ah, laga filo in ay ka cimri dheeraadaan kuwa da’dooda ah ee aan cunin. Baadhis iyo dabagal lagu sameeyey dad tiradoodu gaadhaysay 4 Kun oo isugu jira rag iyo dumar da’doodu 60 jir gaadhay, dhiiggoodana lagu arkay dufan badan oo ah ka kalluunka iyo dhirta laga helo, ayaa lagu ogaaday in ay dadkaasi 15 jeer laab wadna xanuunka uga fog yihiin kuwa da’dooda ah ee aan dufankan helin, sida la’ og yahayna wadne xanuunku waxa uu ka mid yahay cudurrada ugu horreeya ee dunida maanta loogu dhinto.

Khudradaha ay khubaradu sida gaarka ah u tilmaameen in laga helo dufankan waxtarka u leh caafimaadka waxaa ka mid ah Afakadaha, Saytuunka, Lawska iyo guud ahaan saliidaha dhirta laga miiro, sida saliidda Fuulka, Saliid saytuunka iwm.

Dadkan tijaabada lagu sameeyey oo xaalkooda caafimaad baadhis lagu waday muddo 14 sano iyo badh ah, waxaa ka soo baxay in muddadaas dadkan oo markii daraasadda lagu bilaabay ahaa 60 iyo ka weyn ay 4 tii kun ka dhinteen 265 nin iyo 191 dumar ah oo qaaday xanuunnada ku dhaca wadnaha iyo xididdada dhiigga, taas oo macnaheedu yahay in tirada dadkaasi ay aad uga yar tahay tirada dadka dhiggooda ah lana tirada ahaa ee cudurkan qaaday muddadaas.

Samantha Heller oo ah khabiir ku xeeldheer nafaqada iyo caafimaadka cuntada ee maxadka daryeelka lafaha iyo muruqyada oo ka tirsan jaamacadda New York, ayaa ku talisay, “Cuna khudrad iyo cuntooyinka dhirta laga soo dheegto oo badan iyo hilib yar”