Hal-Qabsiyo Iyo Maahmaahyo Ay Bulshooyin Kala Duwani Ka Yidhaahdeen Dumarka

0
3892

Hargeysa (Geeska)- Qormadan waxa uu Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayaa maahmaahyo iyo halqabsiyo ay bulshooyin kala duwani ka yidhaahdeen dumarka, waxa ay ka hadlayaan sifooyinkooda, qaabkooda, xarakaadkooda iyo dabeecadahooda, waxaana ka mid ah:

– Gabadhu adduunka waxa keliya ee ay ka doontaa waa say (Nin guursada), kaas marka ay heshana isaga ayaa ay wax kasta ka doonaan. (Shakespeare)

– Gabadhu hadalka ma joojiso illaa ay oydo.

– Shaydaanku waa ninka macallinkiisa, laakiin gabadha waa u arday.

– Waxa uu Shaydaan awoodi waayo ayaa ay gabadhi awooddaa.

– Lacagta iyo Dumarkuba ninka waa ay halleeyaan.

–  Gabadha quruxda badani waxa ay u baahan tahay saddex nin, mid deymaha ka bixiya, mid ay jeclaato iyo mid garaaca.

– Saddex nooc oo ragga ka mid ah ayaan dumarka fahmin, Dhallinyarada, Odayaasha iyo Gadh madoobaha. (Taas macnaheedu waa in aanay ragga oo dhami dumarka fahmi karin).

– Dumarku waa sida hoggaamiyeyaasha / Madaxda, waa dhif in ay helaan saaxiib daacad ah.

– Ninka halka ugu dambaysa ee dhimataa waa qalbiga, gabadhana waa carrabka.

– Gabadhu waa sida hadhkaaga, haddii aad daba gasho waa ay kaa ordo, haddii aad ka oroddana waa ay ku dabageli.

– Gabadha foosha xumi ninka waa u calool xanuun, gabadha quruxda badanina waa u madax xanuun.

– Ninka yidhaahda gurigaygu waa xasilloon yahay / deggen yahay, macnaheed waa xaas ma’ lihi.

– Ninku gabadha ragga oo dhan waa uu ka ilaalin karaa, laakiin naftiisa kama ilaalin karo.

– Qorrax jiilaal iyo qalbi dumar midna ha isku hallayn.

– Gabadhu waxa ay qososhaa marka ay awooddo, waxa aanay oydaa marka ay doonto.

– Ninku waxa uu doonaa wax kasta oo uu filayo in uu heli karo / gaadhi karo, gabadhuna waxa ay doontaa wax kasta oo aanay heli karin /gaadhi karin (Mark Twain).

– Gabadhu waa sida shinnida, malab bay ku siin, laakiin waa ay ku qaniini.

– Nasiib badanaa ninka isleh waxa aad ka fariidsan tahay xaaskaaga, waayo ninka xaaskiisa ka fariidsan / maskax badani waa keliya ninka guursada gabadh run uga fariidsan.

– Gabadha quruxda badani waa ta nafteeda jecel (Aniis Mansuur).

– Gabadhu kama murugooto haynta oo ku yar, laakiin waxa ay ka murugootaa waxa ay qayreed haysto oo bata.

–  Gabadhu waxa ugu weyn ee ay ku faraxdaa ma’aha quruxdeeda, balse waa foolxumada saaxiibadeeda ugu dhow.

– Sayga oo indha la’ iyo afada oo dhego la’ ayaa noqda qoyska ugu farxadda badan.