Ninkii Isku Qarxiyay Hotel Jazeera Oo Noqday Somali Haysta Dhalashada Jarmalka Iyo Diblomaasiyiin Shiine Iyo Qatar Isugu Jira Oo Qaarna Ku Dhinteen Qaarna Ku Dhaawacmeen

0
618

qaraxMuqdisho(Geeska/W.Wararka)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay weerarkii isqarxinta ahaa ee Axadii lala eegtay hoteelka Jazeera ee Muqdisho, caasimadda wadanka Somaliya.

Weerarkan waxa si rasmi ah u sheegatay kooxda Al-Shabaab oo cadaysay inay leedahay masuuliyadda weerarkaas, iyagoo sheegay inay ugu aar gudayeen dad la laayay.

Wakaaladda wararka ee caalamiga ah ee xinhuanet oo laga leeyahay dalka Shiinaha ayaa warbixin dheer oo ay shalay ka qortay waxay sheegtay in baabuurka hoteelka lagu qarxiyay ka xoog iyo saamayn badnaa qaraxyadii hore uga dhici jiray Muqdisho.

Wakaaladu waxay sheegtay in weerarka ay ku dhinteen 15 ruux. Dadka dhintay waxa ku jira ilaaliye Shiine ah oo qaabilsanaa ammaanka shaqaalaha safaaradda Shiinaha ee Somaliya iyadoo safaaradda Shiinaha uu hoteelkani hoy u ahaa. Saddex kale oo ka mid ah diblomaasiyiinta Shiinaha ayaa waxa iyagana soo gaadhay dhaawaacyo la sheegay inay fudud yihiin.

Waxa kale oo ay wakaaladu soo xigatay haweenay ka shaqaysa cisbitaalka Madina ee dhaawacyada la geeyay oo sheegtay in diblomaasi ka tirsan safaaradda wadanka Qatar ee Somaliya uu ku jiro dadka dhaawacmay.

Geesta kale, dhawr wakaaladood oo ka tirsan wakaaladaha wararka ee wadanka Jarmalka ayaa shalay baahiyay in ruuxa is qarxiyay uu yahay Wiil Somali ah oo haysta dhalashada wadanka Jarmalka, waxaanay sheegeen in baadhis dheeraad ah lagu wado hadhaaga jidhka ninkaas is qarxiyay.

Hoteelkan Jazeera oo ka mid ah kuwa ugu wanaagsan amni ahaan Muqdisho, waxa uu hoy u yahay safaaradaha iyo diblomaasiyiinta shisheeye ee degen Muqdisho, waxaana muuqata in weerarka Al-Shabaab ku jihaysnaa safaaradaha Somaliya degen.