Taliye-xigeenka Booliska Oo Ka Hadlay Rabshado Ka Dhacay Jaamacada Hargeysa

0
545

sawirHargeysa(Geeska)-Taliye kuxigeenka ciidanka booliska Somaliland, sarreeye guuto Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle, ayaa sheegay in 16 qof loo hayo shaqaaqo shalay ka dhacday Jaamacadda Hargeysa.

Dhalin yaro cadhaysan ayaa shalay rabshay Imtixaan lagu gali lahaa Jaamacadda Hargeysa, iyagoo ku doodaya in laga horistaagay imtixaanka. Muranka gadoodksan ardayda sababay ayaa la sheegayaa inuu muddo soo taagnaa kaas oo aan ilaa haddana xal loo helin.

Khasaaraha rabshaddan ka dhashay ayaa lagu sheegay mid ku kooban burbur jaamacadda ah iyo gaadiidka oo la burburiyay, halka la xidhay tiro kooban oo Ardayda rabashka samaysay ah.

Taliye Fooxle, ayaa yidhi

“Maanta oo bishu 27 tahay, Jaamacadda waxaa ka furmayay Imtixaankii. Maamulka jaamacadda ayaa nala soo hadlay waxaanay nagu yidhaahdeen “ciidankii hore noogu joogay 10 Askari noogu soo kordhiya”. Anagu ciidan badan iyo qoladii dhar cadda ahayd ayaanu u dirnay. Ciidankaasi 5-tii subaxnimo ayuu tagay jaamacadda, hawlihiisii ciidana si fiican buu u watay” ayuu yidhi Taliye Fooxle.

Taliyaha oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi raaciyay “Dhibaatada meesha ka dhacday waxay ka bilaamatay jaamacadda gudaheeda. Wax dibadda ka yimid oo ku soo duulayna ma jirin. Ciidanku wuxuu ku wareegsanaa Dayrka, badhna Kidimada ayay fadhiyeen. Markii Macalimiintii mid walba Imtixaankii ula galay Ardaydii, Ardaydii Imtixaankii ayay boobtay, dabeed waxay jeex-jeexeen iyo waxay daadiyeen bay ka dhigeen. Hawshaasi gudaha ayay ka dhacday wax dibadda kaga yimidna ma jirin. Intaasi markay dhacday Ardaydii dhagax tuur bay bilaabeen saddex ilaa afar baabuur oo gudaha yaalay Muraayadaha ayaa wax ka gaadheen, ilaa 6 dibadda yaalayna muraayaddaha ayaa wax laga yeelay”.

Waxa uu sheegay in 16 Arday loo hayo falka Jaamacadda ka dhacay, arrintana tahay mid Maamulka iyo jaamacaddaha gudaheeda khusaysa “Ilaa 16 nin baa hawshaa loo hayaa, baadhistiina way noo socotaa, cidii sharcigu ku caddeeyana hawsheeda ayaa laga gudanayaa. Arrintan wuxuun baanu u arkaynay arrin xagga maamulkooda gudihiisa ah, kolay inaan wax badan ka sii sheegana ma jecli laakiin, anaga waxaa na khusaysa xagga ammaanka.

Geesta kale, Imtixaankii ardayda ayaa si rasmi ah u baaqday shalay iyadoon la garanayn weli wakhtiga rasmiga ah ee la bilaabi doono. Maamulka jaamacadda ayaan wax war ah ka soo saarin shaqaaqada shalay dhacday, waxase muuqata inay jaamacadda Hargeysa maalinba maalinta ka dambaysa sii galayso wakhti adag.