Madaxweyne Silaayo oo Lagu Soo Dhaweeyey Laascaanood, Booqashana ku Tagay Jiida

0
616

Picture5Hargeysa(Geeska) :-Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Md.Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminaayey oo socdaal ku marayey goballada bariga Somaliland, ayaa shalay si ballaadhan loogu soo dhaweeyey xarunta gobalka Sool ee magaalada Laascaanood iyada oo sida oo kalena madaxweynahu markii danbe uu u dhaafay jiidaha hore ee ciidamada qaran Somaliland ee xarunta Gambadha.

Soo dhaweyntii madaxweynaha ee magaalada Laascaanood ka qeyb qaatay madaxda gobalka, cuqaasha, wax-garadka, salaadiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Laascaanood, waxaana madaxweynahu uu si dhagax dhid ku sameeyey mashaariic horumarineed oo laga bilaabi doono magaalada Laascaanood.

Wasiirka wasaaradda hawlaha guud iyo guryeynta xukuumadda Siilaanyo Md.Cabdirisaaq Khaliif oo ugu horeyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in mudda laba jeer ah uu madaxweynahu socdaal ku yimaado magaalada Laascaanood hal sanno gudahood, waxaana uu carabka ku dhuftay in ay muujinayso in xukuumaddu u soo jeesatay horumarinta gobalka Sool.

“Danaynta uu madaxweynahu danaynayo horumarka gobalkan, waxaa markhaati u ah waa markii labaad ee sannadkani intii uu bishay ay ee uu ku yimi, waxaana uu noqon doona gobalka ugu badsada waxqabyada ay xukuumaddu dalka ka wado.”.Ayuu yidhi Cabdirisaaq Khaliif.

Mid ka mid ah madax-dhaqameedka gobalka Sool oo halkaas ka hadlay, ayaa isna waxaa uu yidhi:“Mudane Madaxweyne, waxaan kaaga mahad-celinaynaa sida hagar la’aanta ah ee aad maanta degmada Sool ugu heelan tahay in aad goballada kale soo gaadhsiiso, mudane Madaxweyne hortaada waxaa fadhiya garaadadii, culimadii iyo cuqaashii, waxaana aan ku sheegaynaa in maanta aanu wax qarsoon ahayn horumarka gobalka ka socda, inkasta oo aanu jeclayn mashaariicdan hada la dhagax dhigay iyada oo la yidhaahdo madaxweynaha ayaa xadhiga ka jaray, se hadana iyadana waa la gaadhi, horumarka gobalka ka socdana guud ahaan waan kaaga mahad-celinaynaa.”.Mid ka mid ah madax-dhaqameedka reer Sool.”.

Madaxweyne Siilaanyo oo isna halkaas ugu danbeyntii hadal kooban ka jeediyey, ayaa waxaa uu ugu horeyn ka mahad celiyey siddii loo soo dhaweeyey, isaga oo sheegay in dhammaanba waxyaabahii ay madax-dhaqameedka iyo wax-garadka gobalku u soo jeediyeen ay wax ka qaban doonaan.

“Aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tihiin sida sharafta iyo qiimaha leh ee haddii aad tihiin reer Laascaanood noogu soo dhaweeyeen gobalka, waxaana aan  u mahad naqayaa odey dhaqameedyada, garaadada iyo shacbi weynahaba, waana siddii dhaqanka iyo caadada idiin ahayd, ixtiraamka iyo tix-galinta aad noo muujiseena aad iyo aad ayaan idiin ku mahadinaynaa.”Ayuu yidhi Siilaanyo.

Md.Axmed Maxamed Maxamed (Siilaanyo) oo hadalkiisa sii wata, ayaa ugu danbeyntii waxaa uu yidhi:“Waanu idin dhagaysanay, dalka waxa aan u maraynayna waa baahiyaha aad sheegateen , tallooyinka aad soo jeediseen, waxyaalaha aad tabateen iyo waxyaalaha aad ku faanteen, waxyaalaha aad tarteen dalka iyo inta la idiin qabtay intaba waad ka waranteen, annaguna waxaan idin ka balan qaadaynaa horta waxaan dalka u maraynaa in aan xog-oggaal noqono, waraysano, dadkayaga ogaano, waxa ay tirsanayaan iyo waxa ay qabanayaan, tallooyinkooda iyo waxa ay soo jeediyaan aanu dhagaysano, waxa aan dalka u maraynaana waa taa, mida aan xog-oggaal ugu noqonaynaana waa midaas, si wanaagsan ayaanu idiin dhagaysanay, waana aanu qoranay, waana qaadanaynaa, marka aanu noqonana waanu derisnaa, waxii aanu ka qaban karnana waanu ka qabanaynaa.”.

Ugu danbeyntiina waxaa madaxweynahu u soo ambabaxay dhanka iyo magaalada Caynaba ee gobalka Saraar iyada oo la filaayo in uu halkaasna uga soo gudbo magaalada Burco ee gobalka Togdheer.